Somaliland Net,Your Gateway to Somaliland

Radio Hargeysa | BBC Somali 11:00 | BBC Somali 14:00 | BBC Somali 18:00 | Discusion Board | Somaliland Netpal
 SOMALILAND NETWORK
 
Country Profile
Warkan Saxiib U Dir Saxiib u dir Translate (for Somali articles no translation available, sorry!) Print Printable Version Print This
"Waa Ayaan Daro Qofku Hadaanu Aqoon Sharciga, Golaha Degaankuna Aniga Maxkamad Ima Gayyn Karo" W/Daakhiliga.
Posted to the web 17:21 Jun 12 2004

Jun 12 2004 Burco(Somaliland Net) - Waftigii Xukuumada eeuu hogaaminayay wasiirka dakhiliga ee jamhuuriyada Somaliland ayaa haatan ku sugan magaalada Burco ka dib markay ka soolaabteen safar ay ku tageen jiidaha hore ee ciidamada qaranka ee degaanka gobolka sool ee ay joogaan, hadaba wasiirka Arimaha gudaha Md.Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa wax ka waydiinay arimo badan oo ku saabsan ujeedada safarkoodawaxaana waraysigi u dhacay sidan.
Posted by Kayse Axmed Digaale Somaliland Net Correspondent in Somaliland..
X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t


More News Click Here
S/ Ujeedada safarkiina aad ku tagteen degaamada gobolka sool maxay la xidhiidha?

J/ Ujeedada safarkayagu waxa ay ahayd mid ku saabsanayd sidii aanu wax uga oganlahayn xaalada nololeed iyo nabad galyo siday yihiin, waxa kale oo aanu u soconay kormeer xaga ciidamada ah ee ku sugan jiidaasi yagoori ilaa adhicadeeye oo ay todoba goobood ka dagan yihiin, waxa aanu u tagnay anagoo eegayna xaaladooda ciidan iyo wixii ka dhiman ciidan ahaan, kuna wacyi galinay sidii ay usugi lahaayeen halka xuduudeenu tahay, tabaabu shahayaguna waxa uu ahaa sidii ciidamadu uga hawl galilahayeen ama ugaadhi lahaayeen xuduuda, xaladuhuna aad bay u fiicnayeen, waxa kale oo aanu soo xalinay khilaafkii u dhaxeeyey golaha deegaanka caynaba.

S/ Waxa aad sheegtay in aad soo dhamayseen khilaafkii u dhexeeyey golaha deegaanka caynaba taas micneheedu mawaxa weeye go'aankii 45 maalmood ee wasaarada arimaha guduhu soo saartay?

J/ haa go'aankaas ayaanu ku fulinay, waayo waxa soobaxay inta nin loocodeeyo hadana mudo gaaban la odhanayo waanu ridaynaa, iyadoo aan la cadaynkarin wixii dunuub ah ee uu galay, waxana nagaga dhacday sidaasi Caynabo, Burco, Berbera, Hargaysa, iyo Gabiilay oo dhamaantood noqday meel qaylo ka taagan tahay, taas oo ka dhalatay golayaasha deegaanka oon garanayn wixii loo doortay isuna haysta shaqaale u soo shaqatagaya D/Hoose base waxa loo doortay waxa weeye kormeerka,ilaalinta, iyo daba galka go'aanadii ay gaadheen wixii ka fulay iyagoo ka turjumaya baahiyaha adeega bulshada, waxaana maayarka xilka laga qaadayaa marka uu galo dunuub cad oo la taaban karo balse maaha marka kooxi danteeda ka waydo in aytidhaahdo waalaridayaa, anaguna marna kamanaan qaadin xoriyadoodii ee shaqadoodii ayay garan wayeen oo aanu ku soo dabaalaynaa.

S/ waxa jira khilaaf u dhexeeya golaha deegaanka burco waxay u haqaltaagayaan in ay fadhiistaan una codeeyaan mayorka iyo kuxigeenkiisa arintaa maxaad ka yeelaysaa?

J/ hada ayaanu Burco nimi jawaabna kama bixin karo arintaas, waxayse ku xidhantahay hadba sida aanu u ogaano in ay dhibaatadu tahay, waamarkaygii ee kursiga iiga kac iyo danahaygii ayaad fulin wayday ama indunuub cad oo lataaban karo ayaanu eegaynaa, waxa aanu waraysanaynaa maamulka gobolka, waxgaradka, iyo odayaasha magaalada markaa hada jawaab idhinma siinkaro.

S/ waxa aad xayirtay lacagtii D/Hoose ee Burco u taalay Baanka in ay la baxaan markaa xayiraada maka qaadaysaa mise sidaasbay ahaanayaan?

J/ anigu waxa aan uxanibay dacwooyin iyo qoraalo nagaga yimi dhinaca maamulka gobolka oo naga codsaday in aanu xidhno iyagaana gobolka nooga wakiil ah markaa waxa aanu garanay inta khilaafku jiro in aanu xanibno waxa aan ahayn kharashaadka yaryar waanay jiraysaa inta la xalinayo khilaafaadka.

S/ waxa jira in Xuno golayaasha hargeysa ahi sheegeen in ay dacwad kugu soo oogayaan, iyagoo ka cabanaya go'aanka 45 maalmood iyo faragalin aad ku hayso, taa maxaad ka odhan lahayd?

J/ waa ayaandaro qofku hadaanu aqoon ulahayn shuruucda, aniga golaha deegaanku ima sootaagi karaan maxkamad wasaaradayda ayay ka tirsan yihiin, marka ayleeyihiin waanala doortay iyaga lama dooran ee xisbiyaa la doortay, hadii ragbadani shaqsiyaad isusoo sharixilaayeen hal cod mayheleen, inin ina uurcade layidhaah ayaa liis been iska qortay wuxuuna sidaa u yeelayey isagoo ku jira dunuub farabadan oo baadhisi ku socoto markaa aniga maxkamad ima geynkaraan ee sharciga ayay garan layihiin ee anagaa sharciga garansiin doona,

S/ deegaanka yagoori ee aadtagteen waxa lagu dilay Nin ganacsade ah oo uudilay nin ciidani arintaas maxaad ka soo qabateen?

J/ runtii qoladii reer caynaba ee ninka lagadilay waan la kulanay waxa aanu usheegnay in aanay aargoosi samayn ee xukuumada kawar sugaan waanay naga aqbaleen arintaas, qolada reer yagoorina waan la ku lanay, waxaynoo sheegeen in ay aad uga xunyihiin falkaasi, waxa aanu u sheegnay in gacan ku dhiiglihii gacanta noosoo galiyaan wayna aqbaleen sidaa darteed labada dhinacba siwanaagsan ayaanu isu afgaranay.

S/ ugu danbayntii, waxala sheegay in ay safarkiina qayb kahayd in aad hore u rartaan xafiisyadii maamulka gobolka Sool ee kafurnaa degmada caynaba taa maxaa kajira?

J/ ciidanka qaranku waxa uu dulfadhiyaa Lascaanood degmada yagoorina maamulku wuu ka hawlgaly, safarkayagana qaybay ka ahayd tabaabushaha sidii ciidanka qaranku usugi lahaa xuduudeena, iisha Allaa waxa aan rajaynayaa in waraysiga kan xiga in aan idinku siiyo Lascaanood gudaheeda. waxa kale oo wasiirku sheegay in mashaariic ayka mid yihiin dugsi waxbarasho, xarun Police, rug caafimaad iyo biyo xidheeno ayleedahay degmada yigoori ay soo dhagax dhigeen.



Posted by Kayse Axmed Digaale Somaliland Net Correspondent in Somaliland..
Email: kayse@somaliland.net

 

Email this Story - Saxiib u dir


Advertise with us
 



CONTACT INFORMATION.




| Home | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link | Privacy Statement | Contact Us  
Copyright © 1998 Somaliland Net - This site has been optimized for 4.0+ Browsers.