somaliland.net

Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya oo si Kulul uga Jawaabay Eedayn looga soo Jeediyey Socdaal

Published: Mar 02 2010 - 08 46

Mar 02 2010 (Somaliland Net) - Nairobi - Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedayn Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaasi Moses Wetangula uu uga soo jeediyey socdaal uu dabayaaqadii sannadkii hore ku yimi Somaliland, isagoo Baarlamanka Kenya u gudbiyey qoraal uu kaga dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo hadallo uu sheegay uu jeediyey intii uu Somaliland ku sugnaa.

Haseyeeshee Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Faarax Macallin, ayaa eedayntaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo ay ka dambeeyeen dad iyo dawlado uu ku tilmaamay inay ka ganacsadaan qaska ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu difaacay socdaalkii uu ku yimi Somaliland oo uu sheegay inay wax qabsadeen oo uu wanaageeda meel walba u marayo.


Md. Faarax Macallin oo xalay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu la yeelatay waraysi dheer, waxa uu kaga hadlay eedaynta looga soo jeediyey safarkii uu ku yimi Somaliland iyo jawaabta uu isku difaacayo.


Ugu horreyn Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya oo ka hadlayey eedaynta uu u soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu yidhi; “Waddanka annaga ayaa xukuna, waa waddan dastuur, sharci iyo nidaam ku shaqeeya, dimuqraadiyaddu markay shaqaynayso saddexda awoodood ee dawladnimada oo ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku way qaybsan tahay, wasiirku arrinta uu ku hadlay sharci iyo xalaal midna maaha daafaanimo iyo dan kale ayuun baa u gaysay mooye ee awood uu isagu ku yidhaa guddi Baarlamaan ha baadhaan Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka ma laha, isagu ima baadhi karo, laakiin aniga ayaa isaga baadhaya, sharciga waddankan u yaalana aniga ayaa awood u leh oo guddiyaasha Baarlamanka oo dhami aniga ayey i hoos yimaadaan oo Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka ayaa maamulkooda iyo hawlgalkooda oo dhan gacanta ku haya.


Horta anigu guddi Baarlamaan ayaan hoggaamiyey oo aan meesha [Somaliland] la tagay, guddigiina warbixin ayuu soo qoray, aniguna awood uma lihi in aan dhexgalo warbixintaas ilaa aannu keeno Baarlamanka, warbixintana waqti aad u dhaw ayaanu keenaynaa.”


Md. Faarax Macallin oo la waydiiyey waxa uu ka qabo eedaynta loogu soo jeediyey inuu taageeray ama dhiirigeliyey gooni-isu-taaga Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Waxaad ogsoon tahay in BBC-du waraysi ay ila yeelatay dhawr jeer aniga oo Somaliland jooga, waxaan idiin sheegay in aanan anigu awood u lahayn in aan arrintaas (aqoonsiga) mowqif ka qaato, arrintaa marna kamaan hadal, nidaamka dawladnimo ee aan ka tirsanahay ayaa tallaabadaas qaadi kara oo weliba ay u hay’ado fulinta ka tirsani ku dhawaaqisteeda ay leeyihiin. Anigu waxaan u tagay waxa weeye, kow in aan soo ogaado xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta waddankaas [Somaliland], laba in aan ogaado siyaasaddu siday tahay, waayo waxaynu ogsoonahay in doorashadii Madaxtooyada Somaliland dhawr jeer dib loo dhigay, saddex in wixii talo, walaalnimo iyo wanaag ah ee lagu sugi lahaa nabada, dimuqraadiyaddana loo kobcin lahaa oo waxyaabaha ay isku qabsan karaan si xalaal ah oo aan gacan ka hadal lahayn lagu xallin lahaa. Markaa arrimihii dabiiciga ahaa ee xalaasha ahaa ee dawladnimada ahaa ayaan anigu meesha u tagay. Waxaa intaa ii wehelinaysay in aniga iyo guddigaygu soo ogaano xaaladda nabada, ta ganacsiga, jidadka, tacliinta iyo wixii oo dhan in aannu indhahayaga ka soo buuxsano sidii waddankaasi wax loogu qaban lahaa aanu iswaydiino annaga oo fara badan oo kala duwan oo cid alle cidii danaynaysa ummaddaa Soomaaliyeed ee hadda Somaliland ah, inkasta oo aan weli la aqoonsan iyo tan Koonfureed, anigu Xamar waan tagay, Hargeysa-na waan tagay, Burca-na waan tagay, wanaagooduna waa mid aan meel kasta u tagayo, taasaanan u tagay aniga oo isticmaalaya awoodayda Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka, danaha Kenya ayaa khuseeya oo gobolka ayey ku jiraan, danta ummadda reer Somaliland waanu eegaynaa.”


Mar la waydiiyey su’aal ahayd, ‘Waxyaabaha lagugu eedaynayo waxa ka mid ah in aad ku kacday wax khilaaf ka dhex abuuri kara Somaliland iyo Puntland, taas oo malaha ah magaalada Laascaanood, markaa tegitaankaagii Laascaanood wax cabasho ah oo dhinaca Puntland ama dadka degaankaas kaa soo gaadhay ma jiraan?


Waxa uu yidhi; “Horta anigu dadka siyaasadda beenta ka sheega ma ihi, taa Ilaahay baa igu og, maxaa yeelay wax igu khasbayaa ma jiro, adaygeedana waan u leeyahay. Beesha degan Laascaanood markaanu ka tagnay Burco ee aanu xadkeeda galnay caleemihii nalagu soo dhaweeyey ayaan ku tagay Laascaanood oo si aan caadi ahayn la igu soo dhaweeyey oo aan kaga soo baxay, waqtigan iminka aan kula hadlayana si joogto ah ayey dadkii Laascaanood deganaa iila soo xidhiidhaan, annaga oo ka hadlayna daryeelkii ay u baahnaayeen dadkaa masaakiinta ah oo dad wada mujrimiin ah oo meelo kala jooga siyaasad ku ciyaarayaan noloshoodii ayaan u tagay, waan ogsoonahay in dad ashkhaas ah oo mar kasta beel ahaan u xisaabtama, Ilaahay baan kugu dhaariyee ninka beel ahaan waqtigan Soomaaliyi joogto ku xisaabtamaya ee u kaashanaya dad aan Soomaali ahayn oo waynu is ognahaye ay ku jiraan waddamada jaarka iyo dad kale oo cadow soomaaliyeed inay yihiin taariikhdu ogtahay taasi waa mid ummadda soomaaliyeed u taala. Wax aniga dadkii Laascaanood ee aan u tagay na dhexmaray ma jirto, wanaagii na dhexmarayna waanu ognahay.”


Faarax Macallin isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd inuu ogsoon yahay inay jiraan dad qabiil ama wax kale ku doodaya oo weeraro iyo qaraxyo ka sameeyo Laascaanood oo diidan inay Somaliland xukunto, waxa uu kaga jawaabay “Inay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo cid kastaa ku adeegato oo Laascaanood qaraxyo ka samaynaya, Hargeysa ka samaynaya, Xamar iyo meel kasta ka samaynayaa inay jiraan waan ogsoonahay.


Waxa kale oo la su’aalay Guddoomiye-ku-xigeenka maadaama waqti dheeri ka soo wareegay markii uu Somaliland booqday sababta iminka dacwayntiisa keentay, waxaannu yidhi, “Anigu garanmaayo, laakiin kolay aniga oo kuu sheegaya arrin aan aaminsanahay aniga oo siyaasi reer Kenya ah, haddana ka horna aan sheegay, gobolka Geeska Afrika dawlado ka dhisan ama shakhsiyaad ka mid ah oo dawlad ahaan u dilaalaya arrinta Soomaaliya ee jabka iyo qaxarka ku jirta ayaa iska jira oo Kenya-na ka mid ahayd oo dad badan oo ka shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibada ka mid ahaayeen oo iyada ayey u ahayd baayac-mushtari. Anigu waxaan ku odhan karaa in xalka Soomaaliya la gaadho oo sharafteediis oo noqoto dad diidan baa jira oo kan hadda hadalka sheegay [Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya] aanu ka fogayn oo doofaarnimada iyo dulimada ummadda Soomaaliyeed lagaga dhex shaqaysanayey muddooyinka oo dhanba, hadda waxaan kuu sheegayaa dadkii ku shaqaysanayey ayuun baa keentay in arrinta meelahaa laga sheegsheego.


Xataa aniga warqad buu ii soo qoray [wasiirku] waanan ka jawaabay oo waxaan u sheegay khaladka uu galay, waanan u sheegay in xad-gudubka noocaas oo kale ah isaga aan tallaabo ka qaadi karo, haddana kolay dad kale ayuun buu qancinayaa oo uu leeyahay waan idii shaqaynayaa.”


Mar la waydiiyey in Wasiirka Arrimaha Dibadu uu u xilsaaran yahay siyaasadda dibada iyo inuu isagu u muuqdo nin ka gudbay Baarlamankii oo maaraynaya siyaasadda arrimaha dibada, waxa uu ku jawaabay, “Ninka Wasiirka ahi inuu siyaasadda arrimaha dibada ee waddanka ka jiro ayaanu ogsoonahay oo uu si nadiif ah oo xalaal ah ku wado ay tahay, Baarlamankuna wuxuu awood u leeyahay inuu hubsado shaqadaasi inuu ka soo baxayo iyo inuu musuq kale ku dhexwado, waxyaabahaana anigoon ku sii fogaanayn waad ogaan doontaan oo warqadii ayaa Baarlamanka la keenayaa oo lagaga doodi doonaa, waxani waa sheeko dheer.


Baarlamanku wuxuu awood u leeyahay inuu ku baadho in xidhiidhka dibada waddanka si fiican loo wado, waddamada jaarka ahna wax allaale wixii wanaagooda ah iyo wixii wanaagayaga ahi uu na dhex socdo, keliya annagu waxaanaan qaban Karin in aannu amar bixin karno.”


Ugu dambayntii waxa Md. Faarax Macallin la waydiiyey inta ay le’egtahay kalsoonida uu isku qabo inuu ku guulaysto dacwadda loo soo jeediyey, waxaannu yidhi; “Si buuxda oo meeshii u dambaysay ah ayaan u qabaa, waanad arki doontaa siday ku dambayn doonto, maxaa yeelay waxani wax soconaya maaha, waddankii wixii sharci ah ayaa soconaya, wixii aan sharci ahayn danta waddankana ahayn ma soconayaan, haddana waxaannu ku guulaysanay in aannu dadka soomaaliyeed u muujino inay dantoodu tahay ta Kenya oo kale ee aanay ahayn siyaasadii hore ee ahayd qowda maqashii waxna ha u qaban oo waddamo kale oo gobolka ahi ay ku dhex jiraan, iminka waxaan aaminsanahay in dadkan hadda qayliya lagu adeegtay.”


Dhinaca kale, dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin dacwada lagu soo oogay Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya oo lagu haysto booqashadii uu ku yimi Somaliland, isagoo socdaal ku soo maray inta badan gobollada dalka, isla markaana uu sheegay in horumarka Somaliland ka gaadhay nabada, dib-u-dhiska iyo dimuqraadiyadda ay yihiin wax lagu ammaano oo u baahan in lagu caawiyo, waxaannu ballanqaaday inuu dawladdiisa iyo beesha caalamkaba gaadhsiin doono arrintaasi.



jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article