somaliland.net

Ciidanka Qaranka Somaliland oo Fashiliyey Weerar Malleeshiyo Puntland ah ku soo Qaadeen

Published: Feb 23 2010 - 03 42

Feb 23 2010 (Somaliland Net) - Laascaanood - Ciidammada qaranka ee ku sugan jiidda Gobolka Sool, ayaa fashiliyey shalay subax weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen malleeshiyo-beeleedyo ka tirsan Puntland, kadib markii ciidanka qaranku masaafo dheer baacsadeen malleeshiyadaas oo jab weyn soo gaadhay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa ka warramay hawlgalkaas iyo jabka soo gaadhay malleeshiyada Puntland, waxaanu yidhi; “Waxa jirtay saaka [shalay] goor subaxnimadii hore ah in malleeshiyo-beeleed ka tirsan maamulka Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee Gobolka Sool, ciidankiina markiiba jabiyeen oo ka eryadeen kaantaroollo ay dhigteen oo dadka lacagta ka urursan jireenna baabi’iyeen. Ciidammadu waxay malleeshiyadaas xataa dhaafiyeen meelihii ay hore u deganaayeen. Waxa imminka yaal taal dukumanti ay dadka lacag kaga qaadi jireen oo ciidammadu ay soo furteen.”

“Wax khasaare ahna muu dhicin, waxaanan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidammada qaranka ee geesiyaasha ee heeganka u ah difaaca cadowga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka oo shalay u warramayey warbaahinta.

Geesta kale, weftiga xukuumadda ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa socdaal ku tagay shalay degmooyinka Qoryaale iyo Gobolka Saraar, halkaas oo ay xadhigga kaga jareen saldhig boolis oo laga hirgeliyey magaaladaas.

Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md, Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayaa isaguna shalay dhagax dhigay xabsi cusub oo laga dhisayo degmada Caynabo, xuranta Gobolka Saraar.







jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article