somaliland.net
Weftigii masuuliyiinta Xisbiga Udub oo ka warbixiyey Kulanadoodii iyo wixii u qabsoomay
Published: Feb 22 2010 - 12 47
Feb 22 2010 (Somaliland Net) - Xoghahayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Gudddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta Maxamuud Cabdi Faarax iyo Guddoomiyaha ololaha Cismaan C/laahi Cigaal ayaa shalay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay socdaalkii ay bisha iyo maalmaha ku gaalaa bixiyeen gobolkada jamhuuriyada somaliland.
‘Sidee ayuu Noola Tartami Karaa Ninka Yidhi Somaliland Wali Uma Qalanto Aqoonsi ee uu Kaadiya’
‘Mudadii aanu Joognay Burco Waxa Ka Dhacay Nin Caan ah oo Macalin Madarasadeed ah oo ay Dishay Miino uu Dhigaayay’
Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta Maxamuud Cabdi Faarax oo isagu ugu horayn codbaahiyaha qabsaday ayaa sheegay in safarkoodu uu ahaa mid ay ku soo eegayeen hawlaha uu xisbigoodu ka wado gobolada iyo degmooyinka dalka isla markaana ay kula soo tashanayeen masuuliyiinta u metelaysa goobaha ay soo mareen waxaanu yidhi
"Marka hore waxa aan doonayaa in aan halkan uga mahadnaqo dhamaan dadkii faraha badnaa ee sida quruxda badan noogu soo dhaweeyay magaalada Hargeya oo runtii ahaa kuwo aanaan marnaba ilaabi karin.
haddii aan u soo noqdo dulucda shirkayagana jaraa´id waxa aanu isugu kiin yeedhnay in aanu dadka u soo gudbino socdaalkayagii dheeraa aanu ku soo maray gobolada iyo degmooyinka dalka.
runtii waxa uu socdaalkaas macnihiisu ahaa xog ogaal u noqoshada xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobolada iyo degmooyinka aanu soo marnay, dardar gelinta iyo wacyi gelinta hawlaha xisbiga"
Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga UDUB waxa uu socdaalkaas ku tilmaamay in uu ahaa mid looga baahnaa in uu sameeyo xisbi xaakimku waxaanu yidhi "Socdaalka aanu ku soo maray goboladu waxa uu ahaa mid looga baahnaa in uu sameeyo xisbiga UDUB oo ah xisbigii talada hayay, waxaanan leeyahay waxa aanu ku soo indho indhaynay xaalado badan oo ay dadku ku sugnaayeen.
socdaalkani waxa uu ahaa mid aanu uga dan lahayn in aanu aragno guud ahaanba umadda, xaaladahooda kala sheekaysano, ogaano waxa ay ku sugan yihiin".
Guddoomiyaha ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkooda ay ku soo mareen gobolada iyo degmooyinka dalku uu ahaa mid ku salaysnaa ogaanshaha waxa ay dadku sugan yihiin iyo xaaladahooda.
waxa kale oo uu Md. Cismaan Hindi wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in uu safarkoodu uu ahaa mid olole ah, waxaanu xusay in xisbi marka uu olole qaadayo lagu yaqaanay in uu soo qaato codbaahiyayaal iyo waxyaabo kale isaga oo arrimahaa faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi "Marka hore aan salaan qaali ah u diro guud ahaanba dadka ku kala dhaqan gobolada iyo degmooyinkii aanu soo marnay, oo aan ugu horaysiiyo guddidii qaban qaabada ee sida wayn u soo dhaweeyay Waftigii uu hoggaaminayay Xoghayaha guud, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhamaan xubnihii ka qayb qaatay dhaqaalihii ku baxay soo dhaweyntii, haddii ay tahay odayaasha xisbiga, ganacsadayaasha.
intaa haddii aan ka tago waxa aan iyagana u mahadnaqi lahaa guddiyada gobolkan Hargeysa garabyadooda haweenka iyo dhalinyarada " ayuu yidhi Md.Hindi.
Cismaan Hindi mar uu faahfaahin ka bixinayay ujeedada socdaalkaas dheer ee ay dhawaan ku soo mareen gobolada iyo degmooyinka dalka waxa uu yidhi "Socdaalkayagii dheeraa ee aanu ku soo maray gobolada iyo degmooyinka dalku waxa uu ka koobnaa afar qodob.qodobka koowaad waxa uu ahaa in aanu kormeer ku soo samayno xafiisyadii ilaa heer gobol, degmo tuulo, oo aanu soo dhamaystirno wixii qabyo ahaa, in hawl wadeenadayadii heer gobol ilaa heer tuulo aanu isa soo aragno isla markaana aanu xog kala qaadano.
qodobka labaad isna waxa uu ahaa in aanu iyana la kulano xildhibaanadii golayaasha deegaanka ee ka soo jeeday xisbiga UDUB oo iyagu sida runta ah hooyada xisbiga wixii talooyin ahna aanu isweydaarsano.
qodobka saddexdaad isna waxa uu ahaa in aanu eegno sida ay adeegyada bulshadu u shaqeeyaan, dabagalna aanu ku samayno maadaama aanu nahay xisbul xaakimkii in umada sidii la rabay loogu shaqaynayo iyo in kale.
Qodobka afraad wuxuu ahaa in aanu u soo urursano xog xaalada guud ee uu dalku ku sugan yahay, haddii ay tahay abaaraha, caafimaadka, iyo waxbarashada"
Guddoomiyaha Ololaha Doorashada madaxtooyada Xisbiga UDUB waxa uu beeniyay in socdaalkoodu uu ahaa mid ay uga dan lahaayeen olole waxaanu yidhi "Hore ayaan u sheegay in waxa uu socdaalkayagaasi ku saabsanaa waxaanan leeyahay socdaalkayagaasi muu ahayn mid olole waayo ololaha waxa lagu yaqaanaa in la qaato codbaahiyeyaal iyo waxyaabo la mid ah, laakiin qodobadii bud dhiga u ahaa socdaalkayaga waanigaa idiin soo sheegay" ayuu kaga baxay Md.. Hindi Hadalkiisa.
xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo isna shirkaa jaraa´id ka hadlay ayaa xisbiyada mucaaradka ah ku canaantay in ay shirar kala duwan la soo galaan shakhsiyaad ku caan baxay la dagaalanka jiritaanka dawlada Somaliland.
Waxa kale oo uu Xoghayaha guud faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay socdaalkii ay ku tageen isaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay gobolada bariga waxaanu tilmaamay in aanu marnaba ilaabi karin sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood oo sida uu sheegay looga digay safarkeeda.
“Sidii ay hore u sheegeen Maxamuud iyo Cismaan waxa aanu socdaalo kala duwan ku tagnay guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalku.
Dhinacan bariga ee aan soo marayna waa dhul aad u kala fog waana marka afar meelood loo qaybiyo dalka saddex meelood ahaan.
Waxaanay nagu qaadatay in aanu intooda ugu muhiimsan gaadhno wakhti badan, ilaahay mahadii weeye si wanaagsan ayay noogu bilaabantay, si fiicana way noogu dhamaatay wixii hawlo ahaa ee aanu meesha u tagnayn may ahayn hawlo olole doorasho ku lug leh, waayo walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, wakhtigii doorashada lama gaadhin”.
Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB ayaa socdaalka ay ku tageen gobolada iyo degmooyinka dalka ku macneeyay in uu ahaa mid ay uga dan lahaayeen in ay madaxweynaha xog badan uga siiyaan xaalada uu dalku marayo waxaanu yidhi “Socdaalkaygu waxa uu ahaa mid aanu madaxweynaha dhaayihiisa iyo dhagihiisaba ku soo gaadhsiinaynay xaalada uu wadanku marayo, ta kalena waxay ahayd in xisbiga maamulkiisa hoos loo dhaadhiciyo”
Dhinaca kale waxa uu xoghayaha xisbiyada mucaaradka ah ku eedeeyay in ay kulamo la yeeshaan qaar ka mid ah xubnaha ka soo horjeeda maamulka Somaliland waxaanu yidhi “Hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ah oo ah nimanka aanu ku loolami doono doorashada soo socataa waxa ay kulamo la yeeshaan niman ka soo horjeeda jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, markaa sidee ayay u dhacaysaa in dalkan uu xukun ka doono nin dibadaha ka leh Somaliland aqoonsi uma qalantee u yara kaadiya” ayuu yidhi “Jaraa’idka Qaarkood gaar ahaan Jamhuuriya iyo xildhibaano isku sheegaya in ay ka soo baxeen gobolka Oodweyne inay soo dhaweyntayadii sharafta iyo haybada lahayd ee Oodweyne naloogu soo dhaweeyay ay u rogeen oo ay yidhaahdeen waa lagu mudaharaaday, taasina waa mid been abuur ah hore waanagii Jamhuuriya u nidhi Jamhuuriya waxay noqotay afhayeenka KUMIYE,” ayuu yidhi Md. Jaamac Yaasiin Faarax.
Xoghayuhu wuxuu sheegay in ay abaar ba’an kula kulmeen gobollada dalka oo dhan waxa uu yidhi “Abaartii ba’nayd ee gobollada dalka oo dhan ay aad iyo aad ayaanu uga calool xumaanay waanu u ducaynay in Alle baeeri sameeyaan ayaanu shacbiga ku wargelinaynay gurmadka kowaad Ilaahay ayaanu ka dalbanaynay abaartaasi waxaanu ku aragnay xayawaan xayawaan cunaya, dawladana waanu u gudbinay.”
Md. Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu sheegay in magaalada Laascaanood si weyn oo nabad gelyo ah loogu soo dhaweeyay waxaanu u mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool.
“Mudadii aanu Laascaanood joognay waxa ka dhacday nin miinooyin dhigayay huteelkii aanu deganayn meel u dhow oo macalin ah oo waayaabe’e tamaashiirtii jeebkiisa loogu tagay uu carruurta wax ugu dhigayay, isla isagii dhigayay ayay dishay oo ay ku qaraxday wuxuu ahaa nin caan ah oo macalin madarasadeed ah waxaanu ku adeegsanay diinta. Waxa yaab noqotay madarasadii uu wax ugu dhigayay makhsinkii ku xigayna laga helay alaabtii uu ku tababarayay sida wax loo qarxiyo. Dadweynoow waxaanu idin leenahay iska ilaaliya wadaadka noocaas oo kale ah,” ayuu yidhi Xoghayuhu.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet office
Hargeysa/Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article