somaliland.net

Wefti ka Socota Qaramada Midooobay oo Booqasho ku Tagay Dekeda Berbera

Published: Feb 12 2010 - 06 41

Feb 12 2010 (Somaliland Net) - Berbera -Wefti ka socda laanta Qaramada Midoobay u qabilsan tababaradda shaqaalaha dekeddaha iyo maraakiibta, ayaa shalay booqasho ku tagay magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Xubnaha weftiga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Norway, waxay kulamo kala gedisan magaaladda Berbera kula yeesheen madaxda iyo shaqaalaha dekedda Berbera, iyaga oo iska xogwaraystay xaaladda guud ee wakhtigan dekeddu ku sugan tahay iyo baahiyaha jira ee u baahan wax kaqabashadda.

Waxa kale oo weftigu kulan dheer la yeesheen maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), isaga oo sheegay in weftiga ka socda Qaramada Midoobay ay dekeda ka caawin doonaan dhinaca tababarada Bayloodada maraakiibta iyo shaqaalaha ku hawlan arrimaha dekeda.

Madaxa Bayloodada maraakiibta dekedda Berbera oo isaguna kulan la yeeshay weftiga ka socday Qaramadda Midoobay, ayaa sheegay in kooxdani ay tababaro hore u qabteen shaqaalaha dekedda iyo maraakiibta, isla markaana ay wakhtigan diyaar u yihiin sidii ay tababaro kale oo hor leh u siin lahaayeen shaqaalaha dekedda, kadibna ay dekedda siin doonaan shahaado ay kaga mid noqonayaan dekedaha ay gacanta ku hayso laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca badaha iyo dekedaha.

Maaha markii u horaysay ee wefti ka socda laantani booqasho ku tagaan dekeda Berbera, balse waxa jira marar hore oo ay booqasho ku tageen xarrunta Gobolka Saaxil.





jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article