somaliland.net
Wararkii ugu Danbeeyay Wefdigii uu Hogaaminayay Wasiirka Duulista ee Ku Sugnaa Dalka China
Published: Feb 01 2010 - 06 55
Feb 01 2010 (Somaliland Net) - Shandong - Waxa tobankii maalmood ee ugu danbeeyay booqasho hawleed ku marayay gobollada Shandong iyo Beijing oo ka mid ah dalka China Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane, Cali Waran Cadde iyo Maayarka Caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Wefdigu waxay la kumeen Business Community-ga kala duwan iyo xubno ka mida dawladda China, waxana socdaalka wefdigu soo hooyay guulo dhinacyada wax-wada qabsi tijaaradeed, kaalmo iyo Waxbarasho, qaddiyada Somalilandna aad iyo aad ayay uga hadleen oo ay ka dhaadhiciyeen dhamaanba ciddii ay la kulmeen.
Magaalada Beijing, waxa wefdiga ku soo dhaweeyay Danjiraha Somaliland H.E. Ahmed Egal, intii ay ku sugnaayeen waxa lagu dejiyay Hotelka caanka ah ee Beijing International (5 Star). Habeenkii xalay ahaana waxa casho sharaf loogu sameeyay Hoteelka caanka ah ee la yidhaa JING YA (5 Star ah) oo ku yaal xudunta Beijing
Posted by: Somalilandnet
Email: Somalilandnet
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article
