somaliland.net

Fly with Daallo Airlines

Guddoomiyaha KULMIYE oo Diyaarad Khaas ah Maanta Dalka ku Imanaya Iyo soo Dhaweyn xoogan oo loo Diya

Published: Feb 01 2010 - 06 41

Feb 01 2010 (Somaliland Net) - Hargeysa - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa oo booqasho hawleed ku soo maray dalalka Maraykanka iyo Itoobiya, ayaa maanta dalka ku soo laabanaya, isaga oo diyaar khaas ahi ka soo qaadi doonto magaaladda Addiis Ababa oo uu labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay xalay magaaladda Hargeysa ka soo saareen gudida qabanqaabada soo dhaweynta Guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu gelinka hore ee maanta ka soo degi doonaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaaladda Hargeysa, iyada oo shalay ilaa xalay loogu jiray diyaargaraw weyn sidii loo soo dhaweyn lahaa Axmed Siilaanyo oo mudadii uu dalka Maraykanka iyo Itoobiya ku sugnaa qabtay hawlo waaweyn oo la xidhiidha qadiyadda Somaliland.


Qoraalka xalay ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha warbaahinta iyo abaabulka bulshadda xisbiga KULMIYE Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan;


“Guddida qabanqaabada soo dhowaynta guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxay idinku wargelinayaan in guddoomiyuhu 10:00 subaxnimo ee berri [maanta] soo gaadhi doono magaaladda Hargaysa, iyadoo ay keeni doonto diyaarad khaas ah oo ka soo qaadaysa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Markaa waxa laydinka codsanayaa in sidii qorshaha diyaargarowgu ahaa aad ugu soo baxdaan soo dhawaynta guddoomiyaheenna.”



jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article