somaliland.net
Laascaanood: Khasaare Culus oo ka Dhashay Qarax iyo Gudoomiyexigeenka wakiilada & masuuliyiin kale o
Published: Jan 26 2010 - 08 01
Jan 26 2010 (Somaliland Net) - Laacaanood - Saddex askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, ayaa ku dhintay, askari kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac, kadib markay subaxnimadii hore ee shalay ku qaraxday miino nooca rumuutka laga hago ah oo ay ka qaadeen goob ka tirsan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen sarakiil ku sugan magaalada Laas-caanood, waxa qaraxani dhacay kadib markii taliyaha qaybta ciidanka bolisku ku amray afartan askari inay soo qaadaan miino la sheegay in la dhigay goob ka mid ah magaalada, Hase yeeshee, markii ay askartu soo gaadhsiisay saldhigga booliska lagu qarxiyey miinadii ay sideen, iyadoo loo malaynayo in qaraxaas loo adeegsaday rimuud kaantaroolka meelaha fogfog laga hago.
Waxaa markii qaraxu dhacayba isla goobtii ku qudh baxay laba askari, halka laba askari oo kalena dhaawac culusi ka soo gaadhay qaraxaas, balse hal askari ayaa saacado kadib ku dhaawac dhintay qaraxaas, iyadoo askarigii afraad ee dhaawaca ahaana la keenay isbitaalka weyn ee magaalada Burco oo hada lagu dawaynayo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Maxamed Saqadhi Dubbad oo shalay u warramayey laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA-da, waxa uu sheegay in askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay ka dhashay, kadib markii askartaasi iyagoon iska hubin qaateen walxaha qarxa oo la dhigay badhtamaha Laascaanood, balse nasiib-darro markii ay wax yar la socdeen lagu qarxiyey.
“Saaka [shalay] 7:30-kii subaxnimo ayaa meel ka mid ah magaalada gudaheeda ayaa walxo qarxa oo yaal ay dad arkeen, kadibna booliska ayey u yimaaddeen oo ku wargeliyeen, dabadeed ciidanka bilayska ayaa goobtii tegay. Nasiib-darro iyagoo aan iska hubsan ayey alaabtii qaadeen. Isla markiiba daqiiqado kadib nin kale oo ilaashanayey ayaa rimuud kantarool ku qarxiyay.
Laba markiiba way dhinteen. Saddex kale oo mid yahay ciidanka qarankana dhaawac ayaa gaadhay. Labadii booliska ahaa ee dhaawacmay mid ahaan waxaanu u qaadnay magaalada Burco oo nabarrada gaadhay ayaa cuslaa,” ayuu yidhi taliye Saqadhi Dubbad.
Taliyaha oo la weydiiyey cidda ay u aanaynayaan inay qaraxyada Laascaanood ka dambeeyaan iyo weli cid loo qabtay, waxa uu ku jawaabay; “Waxa ka dambeeyay kuwii qaraxyadii horeba dhigay, kii sarkaalka lagu dilay dhigay, waa dad aan u diyaar ahayn oo aan doonayn horumarka dalka iyo dadka. Deegaanka reer Laascaanood buu ku kooban yahay ma odhan karo, waayo dibadda ayaa lagaga soo duulayaa oo dibadda ayaa waxaas laga wadaa.
23 qof oo sarkaal ku jiro ayaa xidhan, maxkamadda waa la geeyey kiiskana, haddii Alle yidhaana dhakhso ayaa loo qaadayaa.”
Qaraxan, ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada qaranka Somaliland u ruqaansadeen tuulada Holhol, iyaga oo halkaas ku hor istaagay shir ay doonayeen inay ku qabtaan garaadada reer Sool, waxay wararka ka imanaya deegaankaas sheegayaan inay ku sugan yihiin gudaha tuulada Holhol ay ciidamada milatariga Somalilnd oo ku gaashaaman tiknikada iyo hubka culus,xarun saldhigna ay ka samaysteen gudaha tuuladaas.
Dhinaca kalena, waxaa ku sii qulqulaya deegaanka Holhol kooxo isugu jira xildhibaanno uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, wasiirada caddaaladda, deegaanka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland, kuwaasi oo la filayo inay wada-hadallo la yeeshaan salaadiinta gobolkaas ee shirka qabqaabinayey,iyada oo saraakiisha ciidamada iyo badhasaabka gobolka Sool ay amar ku bixiyeen inay si degdeg ah garaadadu uga noqdaan qabashada shirkooda Holhol.
jumhuriya
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article