somaliland.net

250 Arday Oo Ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Hargeysa

Published: Aug 20 2008 - 06 26

Aug 20 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa (HWN)- Xaflad balaadhan oo Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay 250 Arday oo ka qalinjabiyey Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa ayaa manta lagu qabtay isla Xarunta Jaamacadda Hargeysa. Munaasibaddan qalin-jabinta oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarad, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Aqooyahano, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda, Waalidiin, Ardayda qalinjabinaysay iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Ardaydan oo ah Dufcadii 5-aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Hargeysa, ayaa dhammaystay saddex kulliyaddood oo kala ah Ganacsiga, Sharciga iyo Sayniska, oo isugu jiray Wiilal iyo Gabadho, waxay waxbarashadaa soo wadeen muddo afar sanno ah. Xafladan oo ujeedadeedu ahayd in lagu sii sagootiyo Ardayda qalijabisay oo ahayd mid hagideeda gacanta ku hayeen Maamulka Jaamacaddu ayaa ahayd mid mid muuqaal wacan. Isla markaana Maamulka hagayay waxa ay ka dalbeen Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta ka qaybgalay in ay yareeyaan hadalada siyaasadda ah. Hase ahaatee, sidaasi may noqon, oo waxay Madashu isu rogtay goob aan waxba la isula hadhin oo weerar iyo weerar celis ku dambaysay, ka dib markii Masuul u hadlayey Xisbiga talada haya ee UDUB hadalkiisa ay dadku ka biyo diideen.


Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Ardaydaa guddoonsiiyey shahaadooyinka, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu ugu hambelyeeyey Ardayda qalinjabisay, kuwaas oo uu ugu duceeyey in IIlaahay ku anfaco Cilmiga ay barteen, iyaguna dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan. Waxaannu tilmaamay in ay Xukuumad ahaan Ardaydan iyo kuwa dugsiyada sare dhamaystaba ay u raadinayaan aqoon dheeraad ah, gaar ahaan mid ay ku qaataan shahaadada loo yaqaano Master-ta.


Md. Axmed Yuusus Yaasiin waxa uu u soo jeediyey Maamulka Jaamacadda Hargeysa in Kulliyadda Sayniska lagu daro qayb deegaanka iyo ilaalintiisa lagu barto, taas oo uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto deegaanka iyo badbaadadiisa, si ay dadku u fahmaan dhibta ay keenayso baabi'inta dhirtu. Isla markaana Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu kula dardaarmay Ardayda dhammaysatay qaybta Sayniska inay keenaan fikir lagu joojinayo geedka la jarayo oo khasaare ballaadhan deegaanka ku haya.


Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo isaga oo dabajoogay hadal uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali ku sheegay inay si fiican u sii sagootiyayaan Xukuumadda haddii ay talada ka helaan, kaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in dhaqanka Afrikaanku Madaxdooda hore u sagootiyaan caydiisa, oo ay ceebtooda sheeg-sheegaan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, "Dhaqanka Afrikaanku ku sagootiyaan Madaxtooda waxa weeye tuug buu ahaa, dilaa buu ahaa iyo qaatil buu ahaa, laakiin marka uu dhinto ayey yidhaahdaan geesi wadani ah buu ahaa, hadda waxaan leeyahay Walaalkay Faysal kaas uun ha nagu sagootiyina. Haddii aynu nahay masuuliyiintii waddanka waxaynu shacbiga ka codsanaynaa inay inooga duceeyaan kursi jacayl. Waxaanad ogaataan in kursiga uu ku fadhiisanayo uun nin samada laga ogolyahay ee aanay cid kale ku fadhiisanayn."


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, oo Mudashaa ka hadlay ayaa sheegay in dalku yeeshay jaamacaddo badan, balse weli aan tayadoodu fiicnayn. Waxaannu Faysal xusay inay inta badan horumarka ay is hortaagaan dadka aan markaa xilka wax ka haynini. Isla markaana waxa uu tilmaamay in ay UCID ahaan haddii ay talada dalka qabtaan ay wax ka bedali doonaan hanaanka waxbarasho ee dalka, gaar ahaan Manhajka wakhtigan la dhigo.


"Anagu UCID ahaan haddii aannu qabano tallada dalka, waanu ku noqonaynaa manhajka aad wax ku barataan oo waanu bedelaynaa, waayo mid UNICEF noo soo samaysay dhigimayno," ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Isla markaana waxa uu kula dardaarmay Ardayda in aanay cabsoon oo dhammaan Axsaabta qaranku ay heshiis ku yihiin diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Doorashooyinkaba, balse ay ka soo wada horjeedaan jabhadaha la doonayo in la sameeyo.


Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Hargeysa ay dalka wax weyn u qabatay oo ay soo saartay dhallinyaro badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo mustaqbalka dalka Somaliland iyo aayihiisa gacanweyn ka geysan doonta.


Md. Siilaanyo waxa uu sheegay in horumarka dalka Somaliland gaadhay ee dhinacayda nabadgelyada, dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska iyo ka hortaga falalka waddanka lagu shirqoolayo ay ammaantiisa leeyihiin shacbiga reer Somaliland. "Haddii aynu run ku hadalno innaga oo intaas oo dhan ku faanayna, ma qarin karno inuu madmadow badani inaga muuqdo, waxa inoo muuqda doorashooyinkii oo dhawr jeer dib-u-dhacay, taas oo masuuliyadeeda aannu saarayno dawladda ku meel-gaadhka ah ee maanta taagan, waayo maamulka inoo dhisani maaha kii aynu dooranay ee shantii sanno way ka dhammaatay. Heshiiskii berigii dhaweyd aannu gaadhnay ayaanu ku heshiinay in dawladdu ku meel-gaadh doorashooyinka ina gaadhsiisa noqoto, laakiin maanta qodobo badan oo heshiiskaa ka mid ahaa oo dunida iyo caalamku nooga makhraati, oo ay ka mid ahaayeen, sida in aannu Guddiyo samaysano dawladdii aad bay uga warwareegaysaa hirgelinteeda oo way muuqataa." Sidaa ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.


Cumar Jaamac oo ku hadlayey magaca Xisbiga talada dalka haya ee UDUB, ayaa waxa uu sheegay in aqoontu tahay waxa lagu qiimeeyo horumarka dal kasta, taas oo uu ku hambalyeeyey ardayda qalinjabisay oo uu u rajeeyey inay noqdaan qaar mustaqbalkoodu wanaagsanaado. Isaga oo ardayda qalinjabisayna u soo jeediyey inay ka qaybqaataan horumarka dhinacyada kala duwan ee dalka.


Cumar Jaamac oo u muuqday nin u kacay u jawaabidda Axmed-siilaanyo waxa uu ku dooday in xisbiyada qaarkood oo aannu si cad u magac dhabin ay doonayaan in lagu noqdo qabiilkii, kuwaas oo wada buu yidhi shirbeeleedyo, isla markaana ay taageersan yihiin baabuur la sheegay in kurta laga jaray oo la soo qabtay.


"Maanta axsaabta qaranku inay taageeraan shir beeleedyo oo ay bilaabaan in hub dib loo soo saaro gaadiidka oo ay inagu celiyaan tii 1991 - 92-kii uma baahnin. Waxa wax aad looga naxo ahayd oo aad talafishanada ka daawateen in afar gaadiid ah oo hub la saarayey oo axsaabta qaar taageerayeen laga soo qabtay miyiga oo ay maanta lagu hayo, waa ayaan-darro in aynu maanta dib hub ula galno miyiga," ayuu yidhi Cumar Jaamac.

Haseyeeshee markuu hadalkiisa halkaa marinayo ayaa waxa madashii ka bilaabmay qaylo, foodhi iyo sawaxan lagaga soo horjeeday hadalladaas Cumar ka dhawaajiyay, taas oo keentay in aannu sii wadan Karin khudbadiisii oo uu halkaa ku joojiyo.


Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxmuud Warsame oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ardayda qalinjabisay ku dhiirigeliyey aqoonta ay barteen iyo sidii ay u sii wadan lahaayeenba, isaga oo tilmaamay inay nasiib u heleen aqoon heer jaamacadeed, taas oo aanay helin in badan oo la mid ahi. Wasiirku waxa kale oo uu ka xogwaramay xidhiidhka ka dhexeeya Wasaaraddiisa iyo jaamacadaha dalka oo uu tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo wadashaqayn iyo talowadaag ku salaysan.


"Waan ka xumahay halkani Khayriyadii maaha, meel bay leedahay siyaasaddu, xisbi waliba xarun buu leeyahay meel Khayriyada la yidhaa oo inaga dhexaysaana way jirtaa, waxaan ka rajaynayaa saddexdayada dhinacba in aan halkan lala iman arrimihii aynu khayriyada ka odhan lahayn, aynu u aragno in halkan aqoonyahan joogo, kuwaas oo leh aragti siyaasadeed oo ka fog waxaynu ka hadlayno," ayuu yidhi Wasiirku.


Xasan X. Maxamuud Warsame, waxa uu si gaar ah u naqdiyey hadalkii Guddoomiyaha UCID Faysal Cali ee ahaa in jaamacadaha manhajaka ay u soo diyaariyaan hay'ado, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Saaxiibkay Faysal Cali-waraabe, horta isku reer Xamar baanu ahaan jirnay meelna waanu ka wada shaqayn jirnay Injineerka, berigii hore hadalkiisu sixitaan buu ahaan jiray, laakiin iminka waxaad moodaa inuu waxoogaa darbado marmar ridayo. Xukuumaddu ma diidana in la naqdiyo oo la sheego madmadowgeeda, maxaa yeelay sixitaan bay noo tahay haddii ay jirto, haddii kalena waa been baanu leenahay. Jaamacadaha UNEICO uma diyaariso manhajka ee jaamacado kale ayay ku wada xidhan yihiin."


Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad Maxamed oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dimuqraadiyaddu tahay in qof waliba aragtidiisa sheego sax iyo khaladba, balse ay ardayda la gudboonayd inay mid waliba dhegaystaan oo aanay midna ku qaylin midna u sacabatumin.


Md. Garaad waxa isaga oo dabajoogay hadalkii Axmed-siilaanyo ee ahaa in 80 cod oo xaaraan ah uu uga tagay nabadgelyada dalka awgeed, waxa uu yidhi; "Guddoomiye Axmed-siilaanyo arrimuhuu ka hadlay waxa I taabtay markuu yidhi 80-kii xaaraanta ahaa, horta Guddoomiye luuqadaa waan ka bedeli lahaa, aniga oo waqtigaa ka tirsanaa Komishanka mid baanu ku mahadinaynaa taariikh leh oo afrikaanku waa la iga helay maba qaato 80 ama kumanaan ha lagaaga helee. Aniguna waxaan markhaati Ilaahay hortii kala kacayaa in cododkii la soo hooyey ee la saxeexay uu 80-ka cod ka soo baxay."


Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ahna ku-xigeenka dhinaca Maamulka Mr. Maxamed Maxamuud Faarax oo magaca Jaamacadda ku hadlayey ayaa ka waramay horumarkii ay jaamacaddu gaadhay muddadii ay jirtay ee sideeda sanno ahayd, isaga oo tilmaamay in dadaal dheer ay ugu jiraan sidii ay waxqabadkooda u sii horumarin lahaayeen.


Mr. Maxamed Maxamuud Faarax waxa uu ardayda qalinjabisay xusuusiyey in ay waajahayaan waddo adag oo u baahan dadaal dheeraad ah iyo samir, isla markaan aanay dhammayn aqoontii ee ay hir ka gudbeen mid kalena oo ka hawl badan u gudbayaan.


"Waxaan idiin sheegayaa in kooxdan qalinjabisay ay raad ku dayasho leh jaamacadda kaga tagayso, waxa la tabi doonaa firfircooni joogta ah oo ay lahaayeen, waxa la tabi doonaa daraasad iyo xal u helida dhibaatooyinka jaamacadda ku soo kordha, waxa la tabi doonaa abaabulka dood cilmiyeedyada iyo sarraaxadda ay ku waajahayeen wixii soo baxa," ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacaddu.


Hormoodka dhinaca waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa Cabdirashiid Gaaxnuug oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey barmaamujka waxbarasho ee jaamacadda, kulliyaddaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, dufcadihii ka qalinjabiyey iyo qorshaha jaamacadda ee mustaqbalka. Isaga oo sheegay in jaamacaddu ka kooban tahay lix kulliyaddood, kuwaas oo kala ah ganacsiga, sharciga, culuunta, daraasaadka islaamiga, caafimaadka, culuunta kumbuyuurka, iyo koorasyo kale oo gaagaaban. Waxaanay ardayda dhammaan kuliyadahaa dhigataa dhan tahay 2050.


Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in sannadka soo socday ay ugu magacdareen sannadkii tayeynta Jaamacadda, isla markaana ay wax ka bedeli doonaan manhajka ardaydu wax ku barato, iyaga oo ku soo kordhin doona maadooyin xidhiidh la leh deegaanka dalka. Sidoo kalena ay siyaasad cad u sameynayaan habka imtixaanaadka jaamacadda. Waxa kale oo uu sheegay inay sannadka ku soo kordhiyeen jaamacadda laba kulliyaddood oo kala ah mac-had lagu baranayo xalinta khilaafaadka oo jaamacado dibada ahi ka caawinayaan iyo mac-had kale oo lagu baranayo Qur'aanka oo ay ka caawisay dawladda Sucuudigu, kaas oo waxbarashadiisu bilaash tahay.

Posted by: Somaliland Net
Email: Somaliland Net

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article