somaliland.net

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkii la soo dhaafay si rasmi ah u sheegtay inaanay awood u

Published: Aug 19 2008 - 07 16

Aug 19 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa - Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkii la soo dhaafay si rasmi ah u sheegtay inaanay awood u lahayn dhagaysiga dacwadda ay xukuumadda Somaliland ku oogtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Koomishanka doorashooyinka Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Hargeysa ku xidhan.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayay ciidamada ammaanka Somaliland ka soo qabteen magaalo ku taala bariga magaalada Burco, horaantii bishan August, waxaana loo soo dhaadhiciyay oo uu ku xidhanyahay Xarunta Laanta Baadhista Dembiyada ee Booliska (C.I.D) ee magaalada Hargeysa. Xukuumadda Somaliland ayaa Xirsi Cali, ku eedaysay inuu ka tirsanyahay oo uu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somaliya, mana jirto wax maxkamad ah oo ilaa hadda la horgeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa qaraar uu dhawaan soo saaray waxa uu kaga cudur daartay dhagaysiga dacwadda Xirsi, isaga oo xusay inaanay maxkamadda Hargeysa awood u lahayn. Qaraarkaas maxkamadda gobolka Hareysa oo aan saxaafadda loo qaybin, ayaa waxa wargeyska Geeska Afrika u suurto gashay inuu helo nuqul ka mid ah, waxaanu qaraarkaas oo dhammaystirani u qornaa sidan:

Dhibane: Qaranka JSL

Eedaysane: Xirsi Cali Xaaji Xasan

Ujeedo: Qaraar Horgayn Maxkamadda awoodda u leh Dacwadda

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa;

Markuu arkay: codsi muddo kordhinta (7) cisho ee sumadiisu tahay BD/679/08 ku taariikhaysan 05./08/08, kuna codsanayo taliyaha qaybta baadhista dambiyada (CID) in loo xalaaleeyo muddo kordhin baadhiseed eedaysane Xirsi Cali Xaaji Xasan, inta maxkamadda awoodda u leh ay horgaynayaan.

Markuu arkay: qodobka 5aad, XHC iyo qodobka 39(1), xarafka (a) X.H.C oo sheegaya in maxkamadda awoodda u leh la horgeeyo eedaysane kasta halka uu falka loo haystaa ka dhacay Maxkamadda ku taal la horgeeyo, haddii kale maxkamadda ugu dhow goobtaas.

Markuu arkay: Asbaabtaasi sare ku xusan oo dhan darteed wuxuu soo saaray qaraarkan soo socda:

QARAARKII MAXKAMADDA

1)In Eedaysane Xirsi Cali Xaaji Xasan la horgeeyo maxkamadda awoodda u leh (Territorial jurisdiction) dhagaysiga dacwadda xagga soohdinta muddo 7 cisho ah.

2)Waxa la soo saaray qaraarkan Maanta 05/08/08.

Allaa Mahad Leh

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa.”




Geeska Afrika

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article