somaliland.net
Ceerigaabo oo Lagu Qabtay Gaadhi iyo Rag Hubeysan
Published: Aug 19 2008 - 07 02
Aug 19 2008 (Somaliland Net) - Ceerigaabo - Taliyaha Qaybta ee ciidanka Bileyska Gobolka Sanaag, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag hubeysan iyo gaadhi ay wateen oo ka yimi dhinaca maamul-goboleedka Puntland.
Taliyaha uu u warramayey Tv-ga madaxabannaan ee HCTV ayaa tilmaamay in raggan la qabtay ay yihiin toddoba nin oo ku hubeysan qoryaha yaryar ee AK47, isla markaana ay wateen baabuur yar oo bilaa taariko ah.
Taliyaha oo xusay in ragga la qaqabtay ay hadda ku xidhan yihiin xabsiga magaalada Ceerigaabo, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta iyo ujeeddada ay u dan lahayeen nimankaas hubeysani, isla markaana waxa uu tibaaxay inay ku gudo jiraan hawsha baadhitaanka arrintaas.
jumhuriya
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article