somaliland.net

Candlelight oo Tababar u Furtay Umuliso-dhaqameedyada Togdheer

Published: Aug 18 2008 - 04 53

Aug 18 2008 (Somaliland Net) - Burco - Hay’adda waddaniga ah ee Candlelight ayaa magaalada Burco shalay tababar uga furtay 20 xubnood oo ka mid ah umuliso-dhaqameedka Gobolka Togdheer.

Tababarkan oo ka mid ah mashaaruuc Candlelight ka wado Gobolka Togdheer, isla markaana ay maalgelinayso hay’adda caalamiga ah ee ISF/Finland, ayaa muddada uu socdo oo laba maalmood ah waxa ka qaybgalayaashu ku baran doonaan duruus la xidhiidha daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Xaflad loo sameeyey furitaanka tababarkan oo ay ka qaybgalayaan 20 umuliso dhaqameed oo ka kala socda degmooyinka Gobolka Togdheer oo ugu horreyn halkaa ka hadlay maamulaha mashruuca hay’adda Candlelight Mr. Cabdifataax Rashiid, ayaa sheegay in mashruucan oo bilaabmay bishii October ee sannadkii 2007, isla markaana socon doono ilaa 2010-ka ujeeddadiisu tahay daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo sidii umulisooyinka dhaqanka loo fahamsiin lahaa xannuunada ku dhaca xubnaha taranka iyo weliba dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay gudniinka fircooniga ah.

Intii mashruucani waxaannu samaynay wacyigelinno laga fuliyey dugsiyada waxbarashada, xannaanooyinka iyo goobaha dadku isugu yimaaddaan, sidoo kalena waxaannu qabanay doodo, shirar iyo aqoon-iswaydaarsiyo ay ka qaybgaleen culimaa’udiinka, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo sidii loo joojin lahaa dhaqanka gudniinka fircooniga ah oo dhibaato weyn ku haya haweenka Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Cabdifataax Rashiid.

Sidaa darteed, iyadoo ka duulayo sidii loo soo saari lahaa isku-xidh bulshada dhexdeeda ah oo ay ka soo baxaan bayaanno iyo sharciyo ka soo horjeeda gudniinka fircooniga ah, sidaa darted tababarkani waxa uu ka mid yahay kuwii aannu hore ugu soo qaban jiray umuliso-dhaqameedyada si xirfadahooda kor loogu qaado.”

Waxa kale oo maamuluhu ballanqaaday in marka tababarku dhammaado ka ay qaybgalayaasha siin doonaan qalab dhammaystiran oo umulisooyinka ka caawiya xirfadooda shaqo, sidaa awgeedna looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan duruusra ay ku baranayaan tababarka iyo qalabka caafimaad ee lagu wareejin doono, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo kor u qaadaysa xaaladda caafimaadka Gobolka Togdheer.




jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article