somaliland.net

Wasiirka Arrimaha Gudaha OO Beeniyey War Uu Maanta Qoray Wargeyska Jamhuuriya?

Published: Aug 14 2008 - 05 12

Aug 14 2008 (Somaliland Net) - Hargeysa- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) ayaa si kulul u beeniyey war manta ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya, warkaas oo sheegayey wareegto uu Madaxwaynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin; wareegtadaas oo lagu amraayo in laga saaro guryaha dawladda dadka shicibka ah ee ku jira.

Wasiirku waxa uu warkaas ku tilmaamay been cad oo uu wargeysku sameeyey islamarkaana waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday wareegtadaas waxa uu sheegay in xiitaa aanay jirin cid kale oo arintaasi soo saartay.

Waxa uu Wasiirka Arimaha Guduhu u soo jeediyey Wargeyska Jamhuuriya in laga rabo arintaas cadaynteeda, isaga oo warbaahinta dalka oo dhan uga digay arimahan oo kale waxana uu u soo jeediyey warbaahinta in aanay wax kasta iska qorin ee marka hore cidda ay khusayso waxay qorayaan ay wax ka waydiiyaan.

qaran news

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article