somaliland.net
XISBIGA KULMIYE OO JAWAAB CAD KA BIXIYAY EEDAYNTII WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA EE JSL KU EEDEYAY XIRSI
Published: Aug 11 2008 - 12 44
Aug 11 2008 (Somaliland Net) - Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE ayaa ku tilmaamay eedaynta Wasiirka Arrimaha Guduhu u jeediyey Xirsi Cali X. Xasan, Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka ee ah inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab mid aanu wasiirku caddayn u hayn, isla markaana sumcad xumo u soo jiideysa Somaliland.
Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo uu kaga jawaabayo hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa uu sheegay in aanay Somaliland dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidan ku lahayn Al Shabaab.
Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax, waxa uu u qoran yahay sidan isaga oo faahfaahsan.
“Annaga oo tixraacayna Waraysigii ay laanta af Somaliga ee BBC-du la yeelatay dhawaan wasiirka Arrimaha Gudaha Md. C/laahi Cali Ismaciil (Cirro) ee ku saabsanaa xadhiga Md. Xirsi X. Cali Xasan oo dhawaan laga soo xidhay Gobolka Togdheer.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa eedaynta lagu soo oogay Md. Xirsi ee ah inuu mid yahay Ururka Al-Shabaab oo ku jira liiska kooxaha argagixisada caalamiga ah inuu yahay gef iyo meel ka dhac weyn oo loo gaystay Muwaadin Xirsi X. Cali Xasan iyo waliba Qaranka Somalilandba.
Wasiirku wuxuu ku andacooday inuu Xirsi ka mid yahay kooxda Xag-jirta ee Al-shabaab, isaggoon haynin wax caddayna oo ku saabsan arrimahaasi. Mana aha markii ugu horraysay ee Wasaaradda Arrimaha Guduhu kula kacdo Muwaadiniinta Somaliland ku eedaynta argagixisada.
Sida aynu ognahay waxa hore loo xidhay madax ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE iyada oon la soo taagin maxkamad sharci ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
1. Oday Dayr Maxamed Cilmi.
2. Ahmed X. Cumar C/laahi (Xamarji).
Iyaga oo lagu eedeeyey qarax ka dhacay Magaalada Hargeysa, xabsigana laga soo daayey ka dib markii eedaymahaas lagu waayey, Xukuumadduna ku guul daraysatay inay keento caddaymo ku saabsan arrimahaas.
Waxa kale oo saddex bilood in ka badan u xidhan Xukuumadda Muwaadin Abshir Xasan Xaashi, oo hadda lagu hayo Xabsiga Mandheera, iyada oo aan Maxkamad Sharci ah la soo joojin.
Wararkaas ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Guduhu waxay wax-u-dhimaysaa;
1. Xuquuqda Muwaadinka la xidhay, isagoon caddaymo loo haynin.
2. Waxa kale oo ay wax u dhimaysaa magaca iyo Sumcadda JSL, iyada oo Bulshada Caalamku u arki karto Dalka mid aan xasiloonayn, oo Ururka Al-shabaab ka ciyaaro door weyn.
Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in magac xummida Xukuumadu fidinaysaa ay waxyeelo weyn u gaysan karto xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, isla markaasina carqaladayn karto Ictiraaf doonka ay Ummaddu u heelan tahay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in aan Ururka Al-shabaab aanu habayaraatee ku lahayn wax dhaq-dhaqaaq Siyaasadeed ama Ciidan Dalka JSL. Jamhuuriyada Somaliland-na ay tahay Dal nabdoon oo ka fayow Arrimaha la xidhiidha Argagixisada.
Waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda inay ka waantawdo haddalada iyo eedaymaha ay caadada ka dhigatay ee ay had iyo jeer ku soo oogto muwaadiniinta Somaliland, kuna xummaynayso magaca iyo sumcadda Dalka.”
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article