somaliland.net
WAR DEG DEG AH OO MAANTA MADAXTOOYADA KA SOO BAXAY
Published: Aug 11 2008 - 05 34
Aug 11 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Istiqaaladii ka aqbalay Wasiirkii Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland
Mudane Abshir Axmed Xasan oo isagu soo codsaday , waxana uu ku sheegay Istiqaaladiisa duruufo u gaar ah.
Qoraalkii Madaxweynuhu , istiqaalada kaga aqbalay Wasiirkii Dib u dejinta Somaliland waxa ay u qornayd sidan:
Ujeedo: Aqbalaad Istiqaaladeed
Abshir:
Waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa muddadii aad qarankan JSL u soo shaqaynaysay intii aad ahayd Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta , waxaanad muujisay xilkasnimo iyo daacadnimo ood ku maamulaysay xilkaasi aad qaranka u haysay.
Hadaba, markaan ka baaraan degay nuxurka qoraalkaaga ee aad igaga codsanaysay in aad hawlahaaga gaarka ah aad qabsato , waxaan kugu war gelinayaa inaan kaa aqbalay istiqaaladaadii laga bilaabo taariikhda qoraalkan , si aad ugu madax banaanaato ujeedooyinka aad hiigsanayso , ilaahayna ha kuu fududeeyo.
Waxaan ku farayaa inaad xilkii Wasaarada ku sii wareejiso Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dib u dejinta, intaan cid kale u soo magacaabayo
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article