somaliland.net

WASIIR KUXIGEENKA WAXBARASHADA JSL OO 36 MACALLIN USOO XIDHAY TOBABAR

Published: Jul 17 2008 - 12 57

Jul 17 2008 (Somaliland Net) - Wasiirku xigeenka wasaarada waxbaarashada Md Ismaciil Muxumad Madar ayaa manta tababar socday mudo 14 cisho ah ugu soo xidhay 36 macalin oo ka kala socda Tuuloyin ka gobolka Maroodi jeex , xaruunta xafiiska manahijta ee magaalada hargeisa .

Macaalimintan oo ah kuwa ka Hawl gala dugsiyada waxbarashada dadban ayaa mudadii tababarkaasi u socday waxa ay ku Qaadayo habka ay wax u ka barayaan Ardayda ku sugan goobaha ay ka socdan , Nuura C/laahi magan madaxa Hayaa da Carista ee S/land ayaa iyada oo sharaxad ka bixinaysay mashruuca n iyo Qaabka an u socdan waxa ay sheegtay I n ay haatan ka wadaan ilaa 32 tuulo oo isugu jira Gobolada Togdheer iyo maroodi jeex .

Marwo Nuura C/laahi Magan waxa ay xustay in mashruucan oo iska kashanayaan wasaarada waxbarashada loogu talo galay tuuloyinkasi anay kasoo baxaan (1600) oo arday oo dhamaystay koorsoyinka waxbarashada dadban mudo Hal sano ah iyadoo intaasi Raacisay in mustaqbalka Tuuloyinkaasi hadba dadaalka ay sameeyan logu abaal marin doono .

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Md: Ismaaciil Muxumed Madar oo si Rasmi ah usoo xidhay Tabaabarkasi ayaa isna waxa uu mahadnaq u jeediyey Hay aadasi CARITAS isagoo Tilmaamaya inay kaal in fiican ka qaadato kobcinta waxbarashada dalka waxaanu ku dardaaray Macaaliminta tababakasi dhamaystay inay si xilkasnimo ah u Gutaan waajibadkooda macaalinimo xubno ka mida macaliminta casharada Bixinayey iyo ka qayb galayaasha ayaa iyana halkaasi ka hadlay.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article