somaliland.net

GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY ARDAY KA QALIN JABISAY DHAMBAAL INSTITUTE

Published: Jul 17 2008 - 12 34

Jul 17 2008 (Somaliland Net) - Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa manta xarunta Haya”ada shaqalaha dawlada ku gudoonsiyey shahaadooyin 80 arday oo ka qalin jabiyey Dugsiga barashada computerka ee dhambaal Information Technolgy ee magaalada hargeisa .

Xafladasi waxa ka soo qayb galay xildhibano ka socday Golaha wakiilada , masuuliyin ka socotay wasaarada wax barashada Boobe Yusuuf Ducaale oo ka socday Akadamiga Nabada iyo Horumarinta ,maamuulaha Guud ee dugsiyaada Albaraka Nuuradiin Maxamed Yonis, maamuulka macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata dugsiga Dhambaal Information Technolagy ugu horayn maamuulaha dugsiga barashada com puterka Mr Axmed Maxamed Maxamuud ayaa si qota dheer uga waraamay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray dugsigani iyo in ta difcadood ee ka qalin jabisay isago sheegay dufcadani tahay tii 10 aad ee ka qalin jabisa dugsigan .

Dhaman masuuliyinta kala duwan ee xafladaasii ka soo qayb gashay ayaa ardayda u soo jeediyey inay dadaalkooda halkaasi kasi wadan oo aanay uqadan in waxbaarashadi dhameeyen ENG Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo Boobe Yusuf Ducaale oo si gaar ah Ardayda ula hadlay ayaa uga waramay Dhibatada Tahribtu uu leedahay waxanay da.yarta usoo jeediyey inay dadaalkooda Aamiin.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet office
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article