somaliland.net

Furitaanka Shirweynaha Beesha Bariga Burco oo la Shaaciyey iyo Dareenka Xukuumaddu ka QabtoBurco (To

Published: Jul 17 2008 - 07 29

Jul 17 2008 (Somaliland Net) - Guddiga qabanqaabada shirka beelaha B/bariga Burco Caaqil Ibraahim Ismaaciil Maxamed, ayaa shalay si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirku ka furmayo degmada Garadag ee Gobolka Sanaag dabayaaqada bishan July, waxaannu ka digay dad uu ku tilmaamay kuwo dano gaarka ah leh oo si khaldan u tarjumanaya ujeeddada kulanka

beesha. "Shirkani waxa uu si rasmi ah u furmayaa 21/7/2008, waxaannu ka furmi doonaa degmada Garadag ee Gobolka Sanaag. Shirkani waxa uu la mid yahay kuwa caadiga ah ee ay beelaha kalee reer Somaliland ku qabsadan degaanadooda, kagana hadalaan danahooda, isla markaana kama soo horjeedo nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland," ayuu yidhi Caaqil Ibraahim Ismaaciil. “Shirkayagu ma aha mid cusub iyo wax aannu hadda samaynayno ee waa mid aannu waligayaba qabsan jiray kagana hadli jiray waxa dhexdayada ah iyo danaha beesha u gaarka ah, mana aha mid ay joojin karaan cid dano gaara leh ee wuu soconayaa haddeer iyo hadhowba. Shirkani waa mid ay wada fadhiyaan dhammaan dadka beesha iyo siyaasinta xisbiyada kala duwani, marka laga reerbo Wasiirada oo qudhooda u shirku u furan yahay, balse aan iman ilaa hadda, waxaanan u malaynayaa inay yihiin shaqaale meel kale amar ka qaata,” ayuu Afhayeenku hadalkiisa ku soo gunaanaday. Dhinaca kale, waxa maalmihii u dambeeyey magaalada Burco ku qulqulaya ergooyinka ka qaybgalaya shirkaas oo loo qoondeeyey ilaa 150 xubnood. Haseyeeshee, waxa shalay laysla dhexmarayay warar sheegaya in xukuumaddu amartay in la qabto guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka beesha H/jeclo iyo Suldaanka guud ee beesha Suldaan Cabdillaahi, inkastoo aanay jirin war si rasmi ah u xaqiijinayaa arrintaas, waxayse abuurtay xamaasad iyo cadho badan. Waxa kale oo iyana maalmahan ku sugnaa Burco Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland iyo madax-dhaqameedyo ka soo jeeda beeshaas, kuwaasoo lagu tilmaamay inay ku hawlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen qabsoomidda shirkaas, balse sida ay tibaaxeen dadka la socda dhaqdhaqaayadaasi wax guul ah kama gaadhin masuuliyiinta qorshayaashihii ay wateen ee ahaa baajinta shirka beesha, waxana farta lagu fiiqay in xukuumaddu si weyn uga oo horjeedo qabashada kulanka beesha Habar/jeclo, maadaama aanay sadaalin karin go'aamada ka soo bixi doona iyo arrimaha lagaga hadli doono. Waxa iyana gelinkii dambe ee shalay aad loo adkeeyey ammaanka goobaha ay ka socdaan diyaargarowga iyo qabanqaabada shirkaas.

Posted by: Kayse Axmed Digaale
Email: Kayse Axmed Digaale

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article