somaliland.net
WASIIRKA QOYSKA OO MAANTA KULAN HAWLEED LAGU GORFEYNAYAY SHURUUCDA DADKA NAAFADA AH FURTAY
Published: Jul 16 2008 - 12 39
Jul 16 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaarada Qoyska iyo horumarinta bulshada Marwo/Faadumo suudi xasan ayaa Maanta furtey Kulan Hawleed lagu Gorfaynayo siyaasada waxqabad iyo shuruucda dadka naadada ah, kaasi oo lagu qabtay Huteel Imperial ee magaaladan Hargeysa.
Shir-hawleed oo ay ka qayb galeyaan in ka badan 40 xubnood oo ka kala socda gobolada dalka waxa soo qaban qaabisay wasaarada qoyska oo kashanaysa hay’adda DRC.
Agaasimaha Guud ee wasaarada qoyska Axmed xasan Yuusuf oo furitaankii ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada kulan kan isagoo tibaaxay sidii loo samayn lahaa nidaam laaga duulayo horumarinta bulshada qaybahooda naafada ah .
Wasiirka wasaarada qoyska faadumo suudi xasan oo iyadu si rasmi ah u furtay .
Kulankaasi ayaa faahfaahisay sida ay lagama maar maanka u tahay in ay helaan dadka naafada ahi siyaasad iyo qorshe u adeegaya xuquuqdooda, sidaasi awgeed ay wasaara/ahaan doorbideen inay ka qayb geliyaan dadka ay hawshaasi sida tooska ah u taabanayso.
Gudoomiyha daallada naafada mukhtaar xasan c/laahi , Gudoomiyaha Jimciyada muhaajidiinta sooyaal iyo saraakiil ka socota hay,adda DRC ayaa iyana munaasibadaasi ka hadlay.
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article