somaliland.net
AQOON-ISWEYDAARSI KU SAABSAN XEERKA DIIWAANGELINTA OO MAANTA DALKA LAGU QABTAY
Published: Jul 15 2008 - 12 11
Jul 15 2008 (Somaliland Net) - Aqoon isweydaarsi ku saabsan Xeerka Diwaan Galinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka Madaxtoyada iyo dawladaha Hoose ayaa Maanta lagu qabtay Huteel Emperial ee Magaalada hargeysa.
Aqoon isweydaarsigaas oo socon doona muddo laba maalmooda waxa qaban qaabadiisa iska kaashaday ururka wadaniga ah ee BVO iyo hay,adda NAD oo ah hay’ad maraykana.
Ka qayb galayaasha aqoon isweydaarsigaasi oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada hargeysa ee Gobolkan maroodi jeex waxay kaga doodi doonaan mudada uu socdo qaabka ay u dhacayso diwaan galinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo dawladaha hoose.
Furitaankii aqoon isweydaarsigaas waxa ka hadashay Gudoomiyaha Ururka wadaniga ah ee BVO khadra cumar xasan waxaanay sheegtey in loo baahan yahay aqoon badan oo bulshadu u leedahay qaabka diwaan gelinta codbixiyeyaasha mar hadioi arintaasi ay tahay mid inagu cusub si ay doorasho xor iyo xalaali inoogu dhacdo , iyadoo kula dardaarantay ka soo qayb galayaashaasi inay si weyn uga doodaan xeerkaas isla markaana bulshada ay baraan waxa ay ka doodayaan mudadaas labada cisho ah .
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article