somaliland.net
XISBIGA UCID OO HAMBALYEEYAY SHARIKADDA DAHABSHIIL TALAABADA AY KA QAADAY KOR UKACA ASCAARTA MACEESH
Published: Jul 12 2008 - 12 50
Jul 12 2008 (Somaliland Net) - Xisbiga cadaalada iyo daryeelka (ucid) wuxuu amaan iyo bogaadin u jeediyay shirkada Dahabshiil oo talaabo wax ku ool ah oo wadaninimo , ka dib markii ay soo waariday qaar ka mida raashinkii quutal daruuriga ahaa kuwo kalena jidka ugu soo jiraan , kaasoo jabiyey qiimihii cirka ku shareernaa ee maciishada bulshadu la daala dhacaysay.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbiga ucid Md: Xasan Xuseen Codyare ayaa sheegay Shirkada dahabshiil waxay amaanta wadanimo ku mutaysatay iyadoon ahayn shirkadaha soo dejiya Raashinka quutal daruuriga ah balse ka gilgilatay qiimo bararka iyo Cunto yaraanta maciishada ee suuqyada dalka ka dhacay.
Talaabadan hormoodnimo ee ay ku talaabsatay shirkada Dahabshiil ayaa waxay u damqatay dadkeeda iyo dalkeeda oo ah mid ku dayesho mudan .
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid wuxuu ku boorinayaa ganacsatada kale ee hantiilayaasha in ay kaga daydaan talaabadaas geesinimo ee shirkada dahabshiil ku talaabsatay .
Dahabshiil waxa sharaf iyo milgo u ah wahktigan adage uu gurmadka degdega ah ummada u sameeysay anaguna aanu leenahay waa lagu reeyee raali Alle ha ka noqdo .
Ugu danbaynti wuxuu xisbiga cadaalada iyo daryeelka (ucid) uga digayaa ganacsatada tafaariiqleyda ah macash buuran oo ku talaxtaga inaanay saarin iyaguna dadkooda u naxariistaan
Posted by Wariye Mohamed mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article