somaliland.net

SHIR JARAA,ID UU MAANTA QABTAY SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDI-QAADIR

Published: Jul 12 2008 - 12 43

Jul 12 2008 (Somaliland Net) - Suldan Maxamed Suldan C/qadir ayaa galabta ku qabtay shir jaraa id hoolka shirarka ee hotel iskandaneefiya ee magaalada Hargeisa , shirkaasi jaraa id oo ku saabsanaa shaqaaqadi dhawaan ka dhacday magaalada Hargeisa kuna saabsanaa Riiga Biyaha ka baadhayey meelo ka mid ah koonfurta magaalada Hargeisa taasi uu sheegay Suldaankaa guud in si khalada dadka qaar u turjunteen ka dib markii Riigaasi laga soo Kaxeeyay Goobihii uu Biyaha ka baadhayay kana waday shaqadda.

Suldaan Maxmed Suldaan C/qaadir waxa kale oo uu intaasi ku daray in Beesha Konfurta Hawd ee Magaaladda Hargeysa ay isla Garteen in Riigu uu Hawl shaqo u Tegi karo meel kasta oo ka mid ah Wadanka , haseyeeshee ay sugayaan Xiliga uu Hawsha dib uga bilaabi doono meesha uu hadda Shaqada ka waddo, Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in Bishan 14 keeda uu Riigu u Ambabixi Doono Meel kasta oo Hawl Biyo Raadineed Xukuumaddu ugu Doonayso Shacbiga .

Suldaan Maxmed Suldaan C/qaadir wuxuu Tacsi udiray Qoysaska Saskii ku Geeriyooday Shaqaaqooyinkii dhacay , isagoo isla markaana umahad celiyay Dadkii kale ka Qayb qaatay Sugida Aminiga iyo soo celinta kala Danbaynta intaba .

Waxaana Shirkaasi Jaraa,id kasoo qaybgalay Wasiirka Qaorshaynta Qaranka Md Cali Ibraahim (Cali Sanyare) Duqa Caasimadda Xuseen Maxmuud Jiciir , Salaadiin ,Cuqaal iyo Culamaa udiin Farabadan .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article