somaliland.net
SHIR JARAA,ID UU CAAWA QABTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGA JSL KAGANA JAWAABAY WAR BBC DU SII DAYSAY
Published: Jul 12 2008 - 12 36
Jul 12 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaarada Gashaandhiga JSL Md: C/laahi Cali Ibraahim ayaa caawa shir jaraa, id ku qabtay magaalada Hargeisa kaasi oo uu ku beeniyey war maanta laga sii daayey idaacada BBC da kaasi oo lagu sheegay inay Ciidamada somaliland ay ka soo baxayaan magaalada laascaanood warkaasi oo uu wasiirku ku tilmaamay mid ku tiri ku teen ah oo aan sal iyo raad toona lahayn .
Ciidamada S/land ku sugani ay Deegaamadoodi ay fadhiiyeen diyaarna u yihiin Difaaca dalkooda , wasiirka wasarada gashaandhiga S/land mar uu ka hadlayey Afduubka labada qof ee Ajaanibka ah ee lagu haystay laasqoray waxa uu sheegay in Xukumada S/land mar walba ay ku dedaalayso nabad iyo deganaansho isla markaana ay ka taxadirayso in degdeg iyo khasaare dhibaatada lagaga xaliyo waxaana uu intaa raaciyey inay socoto waan waan la doonayo in lagu sii daayo labadaasi qof ee lagu haysto Laasqoray .
Waxana uu shacbiga S/land uu soo jeediyey inaanay u dhego nuglaanin wararka Been abuurka ah ee bulshada lagu Jahawareerinayo ,Waxaanu intaa ku daray maamulka Awood daran ee Majeerteeniya waxa uu sheegay inay iyagoo ka Danbeeyay Afduubka labadaasi qof taasina ay cadaynayso Hadaladooda maamuulka majeerteeniya .
Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article