somaliland.net

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa Caawa Beeniyey war ka sooo baxay Wargeyska Haatuf

Published: May 12 2008 - 10 41

May 12 2008 (Somaliland Net) - Taliyaha Ciidanka Booliska JSL General Maxamed Saqadhi Dubad ayaa Caawa Beeniyey war ka sooo baxay Wargeyska Haatuf cadadkiisii 1726 .

Kaasi oo sheegeyay in madaxtooyadu iibineyso xaafad Liinka Booliska ee Caasimada hargeysa warkaasi oo aan sal iyo Raad toona lahayn.

Taliyaha Ciidanka booliska JSL General maxamed saqadhi dubad oo caawa u waramayey Radio Hargeysa ayaa sheegey in Warka wargeyska haatuf ku qoran ee sheegaya in xafad dhan oo liinka Boolisku leeyahay ay madaxtooyadu Iibineyso uu yahay waxyaabaha Been Abuurka ah ee Lagu Khal Khal Gelinayo Bulshada.

Waxaana uu Taliyuu Booliska Somaliland xusay in Maamulka wergeyska Haatuf laga sugayo cadaynta warkasi been Abuurka ah



posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article