somaliland.net

Rayaale oo shuruud ku xiray wada hadalka

Published: May 12 2008 - 04 17

May 12 2008 (Somaliland Net) - Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa joojiyay dhex dhexaadin uu ka dhex waday Dolwadda Somaliland iyo laba xisbi ee mucaaradka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta uu u joojiyay hawsha dhexdhexaadinta ay tahay in Madaxweyne Daahir Rayaale uu ka diiday in wada hadal toos ah ay yeeshaan isaga iyo labada hogaamiye ee mucaaradka.

Guddoomiayaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)waxa uu sheegay in dhibaatadu ay tahay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay dooneyso in labada xisbi ee mucaaradka ay aqoonsadaan muddo kordhinta sanadka ah ee dowladda xilligeedii loo kordhiyay, taasi oo ay sheegeen inay fure u noqoneyso wada hadal kasta oo dhex mara labada dhinac.

Dowladda Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa xilligeedii uu ku egyahay 15-ka bishan May, iyadoo muran weyn uu ka dhashay markii dhawaan golaha guurtida ay muddo sanad ah ugu kordhiyeen xilka.

bbc somali

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article