somaliland.net
Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Taageerayaal Cusub oo ku soo Biiray xisbiga Udub
Published: May 11 2008 - 12 22
May 11 2008 (Somaliland Net) - Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Taageerayaal Cusub oo ku soo Biiray xisbiga Udub , ka dib markii ay Taageeradoodii kala noqdeen Xisbiga kulmiye ayaa Maanta lagu qabtey Huteel Dalxiis ee Magaalada Arabsiyo.
xubnahaasi ku soo biiray xisbiga Udub ee Dadweynaha ku dhaqan Arabsiyo, waxa Gudoomiyaha garabka M/jeex Jimcaale Maxmed Ciise oo ugu horeyn Furitaankii xafladaasi hadal ka jeediyey uu sheegey , inay xisbi/ahaan Gacmo Furan ku soo dhaweynayaan, waxaanu Uga mahad celiyey Taageerada ay siiyeen Xisbiga talada Haya ee Udub .
Saynab Muuse Xasan oo ka tirsan xubnaha Garabka Haweenka Udub ayaa iyana muujisey sida ay ugu faraxsan tahay in Boqolaal ka mida dadweyanaha deegaanka arabsiyo oo isugu jira dhalinyaro iyo haween ayaa kalsooni buuxda siiyaan xisbiga udub.
Siciid Ismaaciil oo isna ka hadlay mudanaasibada ayaa ka waramay qiimaha nabad gelyada iyo sida ay lagama maarmaarkan ugu tahay nolosha iyo horumarka aadamaha waxaanu ugu baaqay dadweynaha ka soo qayb galay xafladaasi inay kaalin ka qataan xoojinta iyo horumarka dalka
posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article