somaliland.net

Gudida Isbedeldoonka Somaliland iyo xubno ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye ayaa Maanta shir

Published: May 11 2008 - 12 18

May 11 2008 (Somaliland Net) - Gudoomiyaha Gudida Isbedeldoonka Somaliland Prof: Azari Iyo xubno ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye ayaa Maanta shir jaraaid oo ay ka qabteen Huteel Imperial ee Magaaladda Hargeysa.

Waxayna ku dhaleeceeyeen Habmaamulka hogaanka xisbiga kulmiye oo ay ku shegeen inuu gacanta u Galay Koox yar oo danaystayaal ah.

Oo maamulkii xisbiga maroorsaday isla markaana aan ogoleyn wada tashi iyo in Taladda xisbiga loo dhamaado oo dadka reer somalilandka wada muuqdaan.

Gudoomiyaha Gudida ISbedeldoonka Somaliland Prof. Azari ayaa warbaahinta u sheegey inay xisbiga kulmiye ka waayeen wixii ay ka filayeen oo ahayd cadaalad, Dimuquraadiyada iyo wada tashi.

Azari oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey inay waxbadan isku dayeen sidii ay sixilahayeen khaladaadka iyo maamul xumida xisbiga kulmiye dhexdiisa Balse Gudoomiye xisbiga kulmiye aanu dheg jalaqusiin taasina ay Keentay inay xisbiga dhexdiisa ka abuuranto khilaaf siyaasadeed iyo in Taageerayaal fara badani ay xisbiga kalsoonidoodii ay kala noqdeen.

Waxaana uu intaa raaciyey in xubnihii Golaha hogaaminta ee lagu doortey shirweynihii labaad(2) ee xisbiga kulmiye ay doorashadooda ay ku salaysneyd afduub oo ay ahayd xaaran ah waxaana uu u soo jeediyey inay is casilaan oo sax ah loo doorto Golaha hogaaminta xisbiga kulmiye.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Sulub Jaamac oo ka mida Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo Cali Cismaan oo iyaguna si weyn u dhaliiley Maamulka xisbiga kulmiye



posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article