somaliland.net

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa saaka waxa uu ku qabtey Hoolka shirarka ee D/Hoose

Published: May 11 2008 - 12 08

May 11 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane C/laahi Ismaaciil (Caqli Cirro) ayaa saaka waxa uu ku qabtey Hoolka shirarka ee D/Hoose shir aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Marroodi Jeex ee Hargeysa.

Duqa caasimadda Mudane, Injineer Xuseen Maxamuud Jiciir , shanta Gudoomiye ee shanta Degmo ee ay ka kooban tahay Caasimaddu iyo Dhamaan Taliyayaasha Saldhigyada Caasimadda.

Kulankan saaka oo ay u jeedadiisu ahayd adkeynta Nabadgelyada iyo ka hortaga wixii wax u dhimaya isla markaana Khalkhal Gelinaya Nabad Gelyada Guud ahaan Dalka Gaar ahaana tan Caasimadda.

Mudane, C/laahi Cirro oo madashaasi saaka ka hadlay waxaa uu iftiimiyey isla markaana ku booriyey ka soo qayb galayaasha shirkaasi in ay muujiyaan Feejigo Gaar ah ayada oo ay Kaabiga in nagu soo hayso xuska 18may ka oo ah Maalintii ay Somaliland la soo noqotey Xornimadoodii.

Ugu dambeyntii shirkaa saaka waxa uu hor dhac u yahay shirar dambe oo noqon doona joogto.


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article