somaliland.net

Aqoon-yahano ka soo Jeedda Degaanka Barriga Hargeysa ayaa Maanta shaaciyay

Published: May 11 2008 - 11 59

May 11 2008 (Somaliland Net) - Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , madax dhaqameedyo iyo Aqoon-yahano ka soo Jeedda Degaanka Barriga Hargeysa ayaa Maanta shaaciyay sida uga soo hor jeeddaan Fal kastoo lagu wiiqayo Nabadgelyada iyo Qaranimada JSL.

Suldaan Yuusuf ayaa si Qoto Dheer U faah faahiyey Ahmiyada ay Nabad Gelyada ugu fadhido dal iyo dadba , waxaa uu suldaanku Tilmaamay in shayga ugu weyn uu caalamku inagu Majeerto ay saldhig u Tahay NabadGelyada aynu ku Naaloonayno,

Taasi Darteed waxa uu suldaan Yusuf Muxumed sheegey inay ka hortagayaan cid kastoo isku daydda Falal lagu wiiqay Xasiloonidda waddanka waxaanu suldaanku u soo Jeediyay Mucaarid iyo Muxaafidba inay Ilaaliyaan sharciga iyo Distoorka aynu dhiganay.

Chief Caaqil Cabdi yuusuf Bulbul ayaa isagana sheegey inaan shacbiga lagu baqdin gelin waxaan dhici Karin, waxaanu caaqilkani u soo jeediyey siyaasiyiinta mucaaridka ahi inay ka waantoobaan haddalada Nusqaanta u ah ee Maalmaahanba ay saxafadda ku sheegayeen Taas oo u ku sifeeyay mid Hoos u dhigeysa Heerkii Taageera-nimada ee ay haysteen.

Xubno kala duwan oo muddashaai kulankaasi ka hadlay ayaa xusay sidday waajibka u tahay in loo ilaaliyo nabadgelyada aynu mudada 17sanadood haysaney.

Wasxa kale oo xubnahan oo isugu jiray Cuqaal, Odayaal, Cullimo-udiin iyo Aqoon-yahano ay ugu baaqeen Gollayaasha Qaranka 3da Xisbi iyo Koomiishanka Doorashooyinka Qarank looga baahan yahay isku-duubni iyo middnimo Buuxdda si looga baxo doodad iyo muranadda siyaasadeed ee dhegaha shacbiga ka batey.


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland





Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article