somaliland.net

Waxgaradka Bariga Hargeysa Oo Ku Baaqay Adkaynta Nabadgalyada Iyo Ku Dhaqanka Sharciga.

Published: May 11 2008 - 10 11

May 11 2008 (Somaliland Net) - Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey,Cuqaasha,Odayaasha iyo Waxgaradka beesha bariga Hargeysa ayaa shir balaadhan oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Muuse Shiraaqle ee bariga magaalada kaga hadlay xaalada dalka iyo arrimaha ammaanka la xidhiidha.

Shirkaasi waxaa oo ay goobjoog ka ahaayeen Cuqaal,Waxgarad,Mujaahidiin iyo xildhibaano waxa baaqyo nabadeed loogu jeediyay Xkuumada,Xisbiyada iyo Golayaasha Baarlamaanka.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa ujeedadii kulankaasi ku tilmaamay mid la xidhiidha adkaynta nabadgalyada dalka,waxaanuu yidhi “Waxaynu maanta Shirkan iskugu nimid inaynu ka hadalno shir nabadeed oo aynu ummada Somaliland ugu baaqayno in la adkeeyo xasiloonida wadanka”.
“Nabadu waa shay qaali ah oo ummada ayaa ku nool waana la ogaa waxii dalka ka dhacay sanadkii 1994,haddii aynu nahay beesha bariga Hargeysa (Isxaaq) markii Somaliland dhibaatadu ka dhex dhacday dadkii Biriijka noqday ee Jabi waayay ee labadii dhinac ee iska soo horjeeday isku soo jiiday ayaynu nahay sidaasi darted cidna u daba joogsan mayno oo waynu qabanaynaa cidii xasiloonida waxyeelaysa,” ayuu intaasi raaciyay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey.
Suldaanku waxa uu Golaha Wakiilada,Guurtida iyo Dowlada ugu baaqay inay ilaaliyaan ku dhaqanka sharciga iyo Dastuurka dalka,isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha Wakiilada,Guurtida iyo Dowlada waxaanu leenahay hala ilaaliyo sharciga buugyar(Dastuur) ayaynu samaysanay oo aynu ugu talo galnay inaynu ku kala baxno waxaan soo jeedinaynaa in kaasi lagu dhaqmo”.
Waxaan soo jeedinaynaa in Sharciga siduu yahay loogu dhaqmo oo aanu nina sida uu doono u tafsiirin ayuu yidhi Suldaanku.
Suldaan Xiirey waxa uu intaasi ku daray “Axsaabta Qaranku waa sharci ninba waxuu uu ummadiisa ka goosto ayuu leeyahay,ninkii doorasho doonayaa waxaanu leenahay sifaha sharciga ah u mar”.
Jiif Caaqal Cabdi Yuusuf Bulbul oo shirkaasi ka hadlay ayaa shegay in uu ka xun yahay hadalo ka soo yeedhay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah oo sheegayay in marka la gaadho 15 bisha May aanay aqoonsan doonin Xukuumada Madaxwaye Rayaale.

Jiif Caaqil Cabdi Yuusuf oo ka hadlayay ujeedada shirkaasi ayaa sheegay inuu salka ku hayo adkaynta nabadgalyada iyo midnimada Ummada “15 May marka la gaadho Raga leh waxba ma jirayaan waa nasiib darro oo waanu ka xunahayo oo waa hadal aan munasib ahayn”.Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Yuusuf.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article