somaliland.net

Gollaha wakiilada JSL ayaa fadhigoodii Maanta waxay ku ansixiyeen

Published: May 10 2008 - 10 59

May 10 2008 (Somaliland Net) - Gollaha wakiilada JSL ayaa fadhigoodii Maanta waxay ku ansixiyeen Ajandaha Kalfadhigaan caadiga aheyn ee 4aad.

Fadhigan oo uu Gudoomiynayey Gudoomiyaha Gollaha wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi ,
Waxa cod uu Goluhu u qaaday ku Ogolaaday 39mudane, waxa diiday 4 mudane Gudoomiyahuna muu codayn .

Ajandahan ayaa ka kooban 4 qodob oo ay ka mid yihiin

1) Ansixinta miisaaniyada qaranka ee 2008
2) Talo bixinta Goluhu ka yeesho xaaladaha Taagan iyo qodobo kale.

Dhinaca kale fadhiga Maanta waxa warbixin ku saabsan socdaal uu ku Tegey dalalka Findland iyo Canada ka jeediyey Xildhibaan Naasir Cali Shire , taasoo uu sheegey inuu la kulmay Dalalkaasi, waxaanu Tilmaamay inay ka Ogolaadeen inay ka Caawiyaan Dhinacyada Dhaqaalaha iyo Farsamada , iyagoo u soo Jeediyyay inay samaysteen Urur Baarlamaan Iyagoo Islamarkaana soo diri wefti dalka u imanaya sii ambaqaadka xidhiidhkaasi,


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article