somaliland.net
madaxweynaha somaliland waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay wefti ka socda safaarada
Published: May 07 2008 - 11 04
May 07 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Warsaxaafadeed kulankan oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa u qornaa sidan:
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaarada Dawlada Ingiriisku ku leedahay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr John Marshall iyo ku xigeenka labaad ee Xoghayaha Safaarada Ingiriiska Colin Leeman, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Dalka Somaliland, iyada oo ujeedada booqashadooduna la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska.
Mr Marshall waxa uu Madaxweynaha u sheegay in isaga iyo wefdigiisu ay aad ugu diirsadeen soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen Xukuumada Somaliland , Asxaabta Qaranka , Hay’adaha Dawliga ah iyo shacbi weynaha Somalilandba.
Mr Marshall waxa kale oo uu tibaaxay in dawlada Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay sii ambo qaado wada shaqaynta iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska, isla markaana dawlada Ingiriisku ay aad ugu amaanayso Somaliland waxyaabihii ay qabsatay oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii dalka u qabsoomay , kuwaasi oo u dhacay si nabad gelyo ah oo xalaal ah oo astaan iyo ku dayasho u noqon karta dalal badan oo Afrika ah.
Mr Marshall oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu tibaaxay in ay dawladiisu dhiiri gelinayso taageero buuxdana ay siinayso geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland , gaar ahaana doorashooyinka dalka ku soo food leh in ay dalka ka qabsoomaan, una dhacaan si xor ah oo xalaal ah.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna hadal kooban u jeediyay wefdiga waxa uu ka waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska .
Madaxweynuhu waxa uu wefdiga u sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah iyo xalaala, iyada oo mar walba la tix gelinayo lana dhawrayo dastuurka iyo qawaaniinta xeerka u yaala Somaliland.
Mudane Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday hayaankii dheeraa ee shacbiga Somaliland ay u soo galeen dhismaha qaranimadooda iyo hir gelinta hanaanka dimuqraadiyada , sidaa awgeedna Madaxweynuhu waxa uu si xoog leh u cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah , iyada oo mar walba la dhawrayo in lagu dhaqmo dastuurka iyo qodobada ku qeexan qawaaniinta iyo shuruucda dalka.
Kulankaasi wefdiga Safaraada Ingiriisku la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur , Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Addis ababa Maxamed Xasan Nuur.
posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article