somaliland.net

madaxweynaha somaliland oo magacaabay Gudida qaban qaabada 18ka may

Published: May 07 2008 - 10 33

May 07 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May.

Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May.

Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

1)Md: Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Arrimaha Gudaha
2)Md: Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada
3)Md: Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta
4)Md: Eng: Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa
5)Md: Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga
6)Md: Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka
7)Mudane Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada
8)Md: Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
Md: Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland
9)Md: Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad) Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex

Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article