somaliland.net

Istaraatajiyadda Maraykanka ee Berbera iyo Saldhigga Ciidammada AFRICOM

Published: May 06 2008 - 15 31

May 06 2008 (Somaliland Net) - Maraykanku waxay si cad u aqoonsadeen in haddii Somaliland loo aqoonsado sida Kosovo ay ay door muhiim ah ka qaadan karto xal-u-helidda mushkiladaha ka aloosan Soomaaliya, isla markaana waxaan shaki ku jirin in Jabuuti aanay wada martigelin Karin laba ka mid ah dalalka dunida ugu quwadda badan." Sidaa waxa lagu sheegay faallo dheer oo dhowaan lagu daabacay wargeys uu leeyahay Urur-goboleedka IGAD.

Faalladan oo uu qoray tifaftire-ku-xigeenka wargeyskaas oo magaciisa loo soo gaabiyo ‘HAN' Dr. Cabdillaahi Maxamed, ayaa isagoo ka warbixinayey sida uu u arko siyaasadda cusub ee dawladda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland waxa uu yidhi; "Waxa aynu xogogaal u nahay in haatan siyaasdda Washington ee ku aaddan Soomaaliya ay noqotay mid lagu guuldarraystay, iyadoo ay sii awooddaysanayaan xoogagga mayalka adag ee wax iska caabbinta kula jira dawladda itaalka darran ee Soomaaliya iyo ciidammada Itoobiya oo taageero joogto ah siiya."

Qoraaga oo ka warramayey muhiimadda weyn ee Dekedda Berbera u leedahay Maraykanka, ayaa sheegay in taliska ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika oo loo yaqaan AFRICOM uu haatan hawlgalay, kadib markii xarunta Gaashaandhigga (Pentagon) dhammaystirtay daraasad ay muddo saddex sannadood ah ku samaynayeen sidii uu u hawlgelilahaa taliska cusub ee ciidammadooda Afrika.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanku waxa ay caalamka u qaybisay lix qaybood oo mid kasta uu ka hawlgalo talis millateri oo gaarkiisa u taagan, kuwaas oo ay u bixiyeen ‘Talisyada Heeganka ah,' uguna caansan yahay Taliska Dhexe ee masuulka ah mandaqadda Bariga Dhexe ilaa badhtamaha Aasiya. Talis kasta waxa hoggaamiya janaraal afar-xiddigle ah, kaasoo masuuliyaddiisu tahay dhammaan xoogagga ciidammada Maraykanka ee halwgala mandaqaddaas.

Sida ay sheegaan masuuliyiinta Pentagon-ku taliska AFRICOM ee qaaradda Afrika waa mid ka duwan talisyada kale ciidammada Maraykanka, taas oo sabab uga dhigeen in waajibaadka AFRICOM ka mid yahay daboolidda baahida bani'aadamnimo ee ka jira Afrika. Iyadoo badi hoggaamiyeyaasha Afrikaanku ay ka biyo-diideen kana soo horjeesteen taliska cusub ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, balse xarunta Gaashaandhigga Maraykanku ayaa arrintaa ku macnaysay mid ku saabsan xidhiidhka dadweynaha.

General Wiliam Ward oo ah Taliyaha Taliska AFRICOM, ayaa isagu dhowaan sheegay in badi Afrika aanay fahmin muhiimadda uu taliskani u leeyahay qaaradda.

Ilo millateri oo u dhuun-daloola xarunta Pentagon-ka Maraykanka, ayaa hoosta ka xarriiqay in taliska AFRICOM uu Madaxweyne Bush u calaamadiyey in xaruntooda rasmiga ahi noqoto goob ka mid ah gudaha qaaradda Afrika marka la gaadho 1da bisha September 2008, iyadoo ciidammada baddu danaynayaan in xarunta AFRICOM noqoto meel ku taal dhul-xeebeedka Afrika oo ay si sahal ah u isticmaali karaan maraakiibtooda waaweyn ee dagaalku.

Arrintaas oo la sheegay inay salka ku haysay booqashadii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Dr. Jednayi Frazer ku tagtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa horraantii sannadkan, socdaalkaas oo calaamad aan madmadow ku jirin u ah sida ay dawladda Maraykanka uga go'an tahay inay xidhiidh dhow la yeelato Somaliland.

Muhiimadda weyn ee isbeddelka cusub ee Maraykanku ka leeyahay Somaliland ayuu wargeysku ku sheegay inay tahay istaaratajiyadda ciidammadiisa ee ku wajahan qaaradda Afrika iyo la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah.

Maamulka Washington ayaa sannad ka hor ku dhawaaqay samaynta taliska cusub ee ciidammadooda AFRICOM ee Afrika, iyadoo weli xarunta taliskaasi ay si ku-meel-gaadh ah dulsaar ugu tahay saldhig millateri oo Maraykanku ku leeyahay gudaha dalka Jarmalka, ciidammadaas oo unug ka mid ahna joogo dalka Jabuuti, balse waxa Madaxweyne Bush u asteeyey in xarunta AFRICOM noqoto ciidda qaaradda Afrika bisha September ee sannadkan 2008.

Dhinaca kale, dhowaan waxa Dekedda magaalada Berbera ku soo xidhay laba ka mid ah maraakiibta waaweyn ee dagaalka Maraykanka oo ah nooca xambaara diyaaradaha, arrintaas oo iftiiminaysa in ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee lagu soo rarayey xarunta ciidammadda AFRICOM ee Jarmalka, isla markaana qorshuhu yahay in laga yagleelo Somaliland.

Geesta kale, waxaan shaki ku jirin in dalka yar ee Jabuuti aannu si rasmi ah u wada martigelin Karin laba quwadood oo waaweyn.


Togdheernews.

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article