somaliland.net

Sarkaal sare oo ka tirsan Somaliland oo safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Buuhoodlle

Published: May 06 2008 - 15 08

May 06 2008 (Somaliland Net) - Waxaa manta gaadhay magaalada buuhoodlle Col:Axmed Maxamed Aadam (Dalbac) iyo ciidamo uu wato kuwaas oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Col: Dalbac ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa uu la tegay magaalada buuhoodle 3 gaadhi oo 2 ka mid ah ay yihiin gawaadhida dagaalka ee qoryihu ku rakiban yihiin iyo 50 askari waxaana uu hada ku sugan yahay gurigiisa uu ku yaal dhinaca bari ee magaalada buuhoodlle ..

Lama oga ilaa hada Ujeedada rasmiga ah ee Col: Dalbac u tegay magaalada buuhoodlle balse mar aanu galabta la xidhiidhnay ayuu noo sheegay in uu buuhoodle usoo gaadhay arimo la xidhiidho qosykiisa iyo aabihiis oo xanuunsaday .

Saraakiisha Ciidamada Buuhoodlle ee taabacsan Maamulka Puntland ayaa ciidamo geeyey kaantaroolada laga soo gala magaalada Buuhoodle taas oo ay kaga hortagayeen sida ay sheegeen isku day kasta oo ay Ciidamada Somaliland ku soo galayaan magaalada Buuhoodle waxaana maalmahanba laga dareemayey magaalada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan taageerayaashii Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland , waxaana dadwaynaha buuhoodlle si aada usu waydiinayaan hada qaabka uu Col: dalbac kusoo dhaafay ciidamadii loogu tala galay inay isaga iyo wixii la fakir ahba ka celiyaan magaalada..

Col: Axmed Maxamed Aadan (Dalbac) ayaa ahaan jiray abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta Puntland jiida gobolka Sool ka hor intii aan lebiska lagaga xayuubin Bartamaha magaalafa laascaanood sanadii 2004 xiligaas oo uu go’aan saday inuu ku biiro Ciidamada Somaliland isagoona noqday Taliye guuto qaybta 12 ee gobolka Togdheer,

afnugaal.com

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article