somaliland.net
Wasiirka Maaliyadda ee JSL ayaa Maanta soo hordhigey Gollaha wakiilada odoraska miisaaniyada qaranka
Published: May 06 2008 - 11 50
May 06 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee J.S.L Md: Xuseen Cali Ducaale ayaa Maanta soo hordhigay Gollaha Wakiilada ee Somaliland Odorooska Miisaniyada qaranka ee 2008 oo cadadkeedu yahay Sadex Boqol oo Milyan ,Laba boqol iyo Konton Milyan, Afarboqol Sadex iyo Lixdan Kun ,iyo Boqol iyo Laba iyo Afartan Shilin SL oo u dhiganta in kabadan Konton Milyan oo Dolar .
Fadhigan Mannta waxa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee JSL Md: C/raxmaan Maxamed C/laahi (CIRO) hadal kooban oo uu gudoomiyuhu ujeediyay waxa uu ku war galiyay in gole ahaan iyagoo raacaya Qodobka 55aad ee dastuurka Qaranka farqadiisa 1aad ay jidaynayso in golaha wakiiladu waxkabadal iyo kaabisna ay ku sameeyaan kuna ansixiyaan go.aan golle.
intaasi kadib waxa hadalkii kalawareegay wasiirka wasaarada maaliyada Md: Xuseen Cali Ducaale isaga oo ka Xog waramay Odorooska Miisaniyada oo ku dhisan kharash iyo dakhali isu dheeli tiran .Islamarkaa ah miisaniyadii ugu badnayd ee dalku yeesho.
Wasiiku waxa uu xildhibaanada warbixin ka siiyay ujeedooyinka uu Odorooska miisaniyadani xambaarsantahay oo ay ku jiraan kharashka ay dawladu u Qoondaysay labada Doorasho ee Deegaanka iyo Madaxtooyada ,fidinta maamulka dawliga ,korodhka ciidamada .
Wasiika maaliyadda ee JSL Md: Xuseen Cali Ducaale waxa uu iftiimiyay kharashyo miisaniyadan ku soo kordhay oo aan ku jirin waxii ka horeeyay , islamarkaana lama huraan Noqday waxaana kamid ah .
*Tirada ciidamada oo korodhay .
*Tiradda shaqaalaha dawlada oo iyana korodhay.
*Kharashyada fidinata maamulka iyo nabad galyada .
*Kharashyada raashinka ciidamada iyo kaydka .
*Iibsiga gaadiika wasaaradaha iyo ciidamada.
*Kharashka dhismayaasha iyo dayac tirkooda.
*Dayactika wadooyinka ,madaarka iyo dekedaha.
*Kharashyada adeegyada iyo hawl socod siinta .
*Kaalmada loo fidinaayo dugsiyada dhimirka iyo dhagoolayaasha iyo farsamada gacanta.
*Kabka korodhka raashinka iyo taakulaynta hawlaha ciidamada .
Wasiika wasaarada maaliyada ee JSL Md: ducaale waxa uu sheegay in haba yaraatee aanay wax cashuur kordhina oo miisaaniyada kamuuqdaa amase ku jira, waxaanuu wasiirku xusay in xukuumadu ku dadaalayso sidii ay marba marka kadanbaya ay usii kordhinayso miisaaniyada qaranka isagoo usoo jeediyay sidii ay golayaasha qaranku gacan uga gaysan lahaayeen wacyi galin ku saabsan gurmadka cashuuraha iyo dakhli uruurinta maadaama miisaniyad kasta oolasameeyaa aanay daboolayn baahiyaha jira.
Gudoomiyaha golaha wakiilada ee JSL Md: C/raxmaan Mamaxed C/laahi (CIRO) ayaa gudiga dhaqaalaha ee golaha ku wargaliyay inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo tallo bixiyaan miisaaniyada Iyadoo Loo balamay In maalinta Sabtida ee soo socota ay wixii Mad maddow ah ee ay miisaaniyada ku arkaan uu Gollaha u Iftiimin doono Wasiirka Maaliyada”
Miisaaniyadan ayaa ka badan Tii Kal Hor lacag Gaadhaysa Ilaa 19milyan Oo DooLar
posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article