somaliland.net
Xaflad balaadhan oo ay soo qaban qabisay hayadda Care International iyo Ururka suxufiyiinta s/land
Published: May 05 2008 - 11 41
May 05 2008 (Somaliland Net) - Xaflad balaadhan oo ay soo qaban qabisay hayadda Care International iyo Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SolJA Ayaa Maanta loo sameeyay 7Suxufi oo muddo saddex bilood ah tababar ugu maqnaa dalka Kenya lagu qabtey Hotel Impiral ee Magaalada Hargeysa.
Waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland .
SOLJA isla markaana ah Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed oo ka waramay Ahmiyada ay saxafadu kaga jirto dalka.
Waxaanu sheegey in ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja ay ka shaqeeyaan sidii saxafada wadanku u noqon lahaayeen mid horumarta higsatana saxafada caalamka .
Geesta kalena uu ku booriyey xubnahan 7da ah ee ka soo laabtay Kiiniya inay kaalin wax ku Ool ah ka qaataan Guud ahaan saxaafada iyo Goobaha ay ka shaqeeyaan.
Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise ayaa soo dhaweeyay doorka fiican ee ay hay’adda care ka qadato dar dar gelinta saxafada wadanka.
Isagoo Tilaamay in Qofka suxufiga ah looga baahan yahay inuu sumcad xumo ku noqonaya shaqadiisa .
Waxa kaloo isuguna halkaasi ka hadlay madaxa wargeyska Geeska Afrika Iyo Masuuliyiin kale.
Gabegabeadii waxa iyaguna ka hadlay suxufiyiintii ka soo laabtay dalka Kiiniya, oo sharaxaad ka bixiyay Aqoontii ay kasbadeen, iyo dareekooda ku waajahan ka soo laabashada dalka Kiiniya
posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article