somaliland.net
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee JSL ayaa Galabta dib ugu soo laabtay dalka
Published: May 05 2008 - 11 31
May 05 2008 (Somaliland Net) - Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee JSL mudane Qaasim sh.Yuusuf ayaa Galabta dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa dalka maraykanka.
Wasiirka oo Galabta Radio hargeysa ugu waramayey Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal ayaa sheegey in uu ka qayb galay kulan blaadhan oo aduunka isugu imanayey lagagana hadlaayey Saliiida aaduunka iyadooo waddan waliba soo bandhigayey ama kaga warbixinaayey kheyraadkiisa , halka waddanada qaar aduunka ka midi ay soo bandhigayeen inay hayaan Qalabkii lagu soo saari lahaa saliida, qaar kalena ay soo bandhigeyeen in ay hayaan Aqoontii lagu soo saari lahaa,
isaga oo wasiirku sii wata hadalkiisii waxa uu sheegey in ay kaga qayb galeen magaca Somaliland kana warbixiyeen wixii aynu hayno dal ahaan, Taasina ay tahay mid kor u qaadaysa sumcada Somaliland.
Shirkan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto oo ay aduunyadu isugu timaado, sanadka soo socodana waxa lagu qaban doonaa dalka Konfur Afrika , hadii alle yidhaa, waxanaanu ka rajeynaynaa in faa,iido ballaadhan oo deg degii ka soo baxdo ayuu yidhi waxa uu sheegey wasiirku ugu danbeyntii in shirkani aduunka ka qabsoomay 4Jeer somalland ay ka qayb gashay sadex Jeer.
posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland
Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article