somaliland.net

Fly with Daallo Airlines

Shir ay iskugu yimaadeen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Published: May 04 2008 - 11 22

May 04 2008 (Somaliland Net) - Shir ay iskugu yimaadeen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maalintii sabtidii ee Taariikhdu ahayd 03/05/08 Shirkaasi oo ku qabsoomay Xarunta Koomiishanka ee magaalada hargeysa ,

waxa Guddoomiyey Gudoomiyaha KDQ , waxaana Lagu Gorfeeyey Aadna looga dooday arimo ku saabsan Gudoomiye Kuxigeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Warsaxafadeedka waxa lagu sheegey.

Mudane Xirsi Lagu Eedeyey Inuuk u kacay Falal Gaf ah, wada shaqeynta ka dhaxaysa Koomiishanka Doorashooyinka , isaga oo sameeyay tallo Goosi U gaar ah , oo aanay Guddigu Intooda Kale ku waafaqsanayn, marar horana looga digay, sidaa awgeed waxay Guddigu Go.aamiyeen
1. In laga qaado Xilkii Guddoomiye Kuxigeen KDQ, laga bilaabo Maan ta oo Taariikhdu tahay 04/05/08.

2. In digniin kama dambays ah loo Jeediyo Mudane, Xirsi Kaas oo ah in aani mar kale ku kicin Gafaf Noocaas oo kale ah oo dhan ku ah Xeer hoosaadka Guddida Doorashooyinka Qaranka .

Warsaxafadeedku waxa uu yidhi .

Waa halkan aanu ugu sheegeynaa Ummadda Somaliland in markasta naga Go.aan tahay Guddi ahaan in aanu u Guddano xilka nalagu aaminay , oo aanu dhamaystirno si waafaqsan Xeerka iyo shuruucda loo dhigay Diwaan gelinta Codbixiyeyaasha , Doorashooyinka iyo Xeer hoosaadkaba.

Waxa kale oo aanu u sheegeynaa Ummada in Meel Hawli ka socoto qaladaad laga waayeyn, waxaaase Muhiim ah in si wada jira Markasta loo saxo oo la toosiyo wixii khaldamay si loo Gaadho Himilooyinka qaranka hiigsanayo.

Warsaxafadeedkan waxa lagu soo Gebo gebeeyay
Waxa Markasta waajib ah in Xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka in ay ku dhaqmo xeer hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhawrsanaanta iyo Guddiga Doorashooyinka qaranka.


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland






































Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article