somaliland.net

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Wareegtooyin uu soo saaray

Published: May 04 2008 - 11 11

May 04 2008 (Somaliland Net) - Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Wareegtooyin uu soo saaray ku Magacaabay Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno Gobollada Buuhoodle iyo Oodweyne.

Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL iyo qodobka 110-aad, isla markaana xeerinaya baahida loo qabo in Gudoomiyayaal iyo Gudoomiye ku xigeeno loo sameeyo Maamulada Gobolladaasi iyo muhiimada weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagooyinkaasi , waxa uu u magacaabay Magacyada hoos ku qoran.

Ismaaciil Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle
Xasan Cali Jaamac waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle
Maxamed Cabdi Liibaan , waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne
Daahir Aadan Baxnaan Deeqsi , waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Oodweyne.

Sidaa daraadeed, iyada oo la tix gelinayo kartida Aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin shakhsiyaadkaa la magacaabay waxa uu Madaxweynuhu faray in laga bilaabo Maanta ay la wareegaan xilka Jagooyinka loo magacaabay.


posted by Wariye Mohamed Mussa inji
somalilandnet office
hargeysa
somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article