somaliland.net

Maraykanka oo u soo Diraya Somaliland Khabiir Dhinaca Kala Shaqaynaya Arrimaha Doorashooyinka

Published: May 04 2008 - 07 12

May 04 2008 (Somaliland Net) - Washington - Ururka caalamiga ah ee qawaaniinta iyo siyaasadda oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka, ayaa go’aansaday in ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland u soo diraan khabiir ku xeel-dheer dhinaca sharuucda doorashooyinka.

Sida lagu faafiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta jaamacad lagu barto cilmiga sharciga iyo siyaasadda oo la yidhaahdo Vanderbilt University, ayaa daboolka ka qaaday in Mr. Casey Kuhlman uu u socdaali doono dhinaca caasimadda Hargeysa 12ka bishan May 2008, kadib marka 9 May la guddoonsiiyo shahaadada sharciga ee lagu magacaabo J.D.

Warsaxaafadeedkan oo laabiyey maalintii Jimcihii waxa uu intaa ku daray in Casey Kuhlman uu la shaqayn doono Komishanka Doorashooyinka Somaliland muddo laba sannadood ah, isla markaana ka caawin doono sidii guddigu u fulin lahaayeen ujeeddada ay u xilsaaran yihiin iyo weliba suurtogelinta sidii nidaamka doorashooyinka Somaliland ula jaanqaadi lahaa hababka ugu habboon ee doorashooyinka caalamka.

Ururka caalamiga ah ee Qaanuunka iyo Siyaasadda (The Public International Law and Policy Group) oo isagu fulinaya mashruuc lagu horumarinayo doorashooyinka Somaliland oo ay maalgelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa khabiirku muddada labada sannadood ah ee uu la shaqaynayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isagoo ka hawlgeli doona xaruntooda Hargeysa ay tallaabadaasi suurtogelin doonto in ururkaasi caawimo farsamo iyo mid qaynuunba siiyo xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashooyinka dawladaha hoose iyo Madaxtooyada oo u qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan 2008 iyo 2009 sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Khabiirkani muddada uu joogo Somaliland waxa uu sidoo kale la shaqayn doonaa madaxda xukuumadda, sharci-dejinta iyo ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo uu siin doono caawimo dhinaca shuruucda ah, gaar ahaanna arrimaha distooriga iyo arrimaha u baahan dib-u-habaynta.

“Waxaan siin doonaa kor-u-qaadis ama tayogelinta nidaamkooda doorashooyinka,” ayuu yidhi Mr. Kuhlman, waxaannu intaa ku daray, “Waxaannu tababari doonaa tababarayaal, kuwaas oo aannu ku tababari doono xirfadaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin si iyaga laftoodu u qabtaan hawsha.”

Mr. Casey Kuhlman oo ka hadlayey fikirka uu ka haysto Somaliland ayaa yidhi; “Inkasta oo ay Somaliland tahay dal dhaqan ahaan muslim ah, haddana waxay leeyihiin distoor, laba gole sharci-dejineed, xukuumad iyo garsoor, taas oo ah saddexda waaxood ee dawladnimo.” Isagoo hadalkiisa sii waatana waxa uu intaa raaciyey, “Waxa arrin aad u xiiso badan ah in aynu aragno sida ay Somaliland arrimahaas dhammaantood u samaysteen iyagoo aan haysan lacag, sidoo kalena aan helin taageero caalami ah.”

Waxa kale oo Mr. Kuhlman warsaxaafadeedkiisa ku sheegay inuu hore ula soo shaqeeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhagaraha Dagaalka oo fadhigeedu yahay dalka Siarra Leone, gaar ahaan xafiiska Xeer-ilaalinta dembiga ku oogayey Madaxweynihii hore ee dalka Liberia Mr. Charles Tylor oo loo haysto dembiyo dagaal.


jumhuriya

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article