somaliland.net

Xubno ka Tirsan Ururka Haweenka ee Ugbaad oo Hambalyo udiray Madaxweynaha JSL

Published: Mar 26 2008 - 12 48

Mar 26 2008 (Somaliland Net) - Xubno ka mid ah Ururka Ugbaad ayaa Waxay Hambalyo udireen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dhawaan Gobol umagacaabay Degmada Gabiley .

Dhinaca kale Xubnahaasi ka tirsan Ururka Haweenka ee Ugbaad waxay ku Booriyeen Qurba Jooga Reer Gabiley eek u dhaqan Yurub ,USA iyo Canada inay Deegaankooda ka Hawlgalaan sidii ay wax uga Qaban Lahaayeen Hadday Noqoto Mucaawimo iyo weliba Horumarinta Gobolka Gabiley .

Xubnahaasi Haweenka ah ee Ururka Haweenka ee Ugbaad Waxay sheegeen in Gacmo wada Jir ay wax ku qabsadaan sidaasi Daraadeed looga Baahanyahay Jaaliyadaha Reer Gabiley ee ku dhaqan dalalka Dibadda inay Deegaankooda si weyn uga Hawlgalaan .

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article