somaliland.net

Madaxweyne kuxigeenka JSL ayaa Maanta kulan Balaadhan la yeeshay Hay,adaha dalka

Published: Mar 26 2008 - 12 14

Mar 26 2008 (Somaliland Net) - Madaxweyne kuxigeenka JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Maanta kulan Balaadhan kula yeeshay Hay,adaha samafalka ee kala duwan xarunta haayada ka hortaga masiibooyinka Dabiiciga ah ee Nerad.

Madaxweye kuxigeenka Somaliland mudane Axmed yuusuf yaasiin wuxuu shaagay in 13kii march loo baxay sidii xogo dheeraada loo soo ururin lahaa oo ku saabsan xaladda Guud ee Abaaraha ku habsaday dalka.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland wuxuu soo jeediyey in si deg deg badan ay ugu dhawaaqaan wixii gargaara ee ay ka geysanayeen hawlaha samatabixinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu waxyeeleeyeen, Isla markaana waxaa uu madaxweyne kuxigeenku shaaca ka qaaday in ay xukuumad ahaan ay bixinayaan lacag dhan 250,000 Dollar.

Waxa kale oo uu sheegey in bixinta deeqaha ee gargaarka ku waajahan abaaraha loo qabiyay laba qaybood taasoo lays raacin doono gobolada maroodi jeex iyo Awdal gobolada kalena iyana deeqahooda gaar layska raacindoono taasoo ay 4% ku bixin doonaan gobolka sanaag maadaama uu yahay gobol baxaad weyn.

Gebagebedii wuxuu ku booriyay haayadaha samafalka in ay inta ka horeysa sabtida ay soodiyaariyaan wixii deeq ah ee ay u qorsheeyeen abaaraha.

Posted by Wariye Mohamed Mussa inji
Somalilandnet Office
Hargeysa
Somaliland

Posted by: Wariye Mohamed Mussa inji
Email: Wariye Mohamed Mussa inji

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article