somaliland.net
Taliye Mahad Canbaashe oo ka war bixiyay hubkii yaalay Xerada Tima waynta ee saaka laga soo saaray.
Published: Mar 25 2008 - 15 40
Mar 25 2008 (Somaliland Net) - Waxaa saaka saacadu markay ahayd 5:00 Subaxnimo laga soo saaray Xerada Tima waynta ee magaalada Yagoore ee Gobolka Sool Hub Beeleed yaalay halkaasi oo maalmihii u danbeeyay uu ka taagnaa muran ku saabsan qaabkii hubkaasi loo soo saari lahaa.
Hubkan ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay ka taagnaa muran la xidhiidha qaabka hubkaasi loo maaranayo iyadoo ay dadku ukala qayb sanaayeen inuu hubkaasi yahay Hub Beeleed aana lasoo saari karin halka saraakiil uu hogaaminayo Mahad Canbaashe uu ku doodayay in la qarameeyo banaankana lo soo saaro.
Hadaba saaka ayay ahayd markii banaanka loo soo saaray hubkaasi iyadoo banaanka loo soo saaray Labo Kaare iyo hal suug iyo hal BM ah aiyo waliba qoryaha madaafiicda ah oo yaalay xeradaasi tan iyo intii ay dhacday Dawlada dhexe ee Dalka Somalia si loogu badbaadiyo iyadoo soo saarista hubkaasi aysan ka imaan wax dhib ah ama nabada wax yeelayn kara laguna soo saaray is afagarad.
Mar aan wax ka waydiinay Taliye Mahad Canbaashe isagoo ku sugan magaalada Yagoori qaabka hubkan lagu soo saaray ayaa waxa uu yiri 'Hubkan waxaa maalmihii udanbeeyay ka taagnaa muran laakiin saaka ayaa lasoo af jaray hubkanina waxa uu kamid noqon doonaa saldhiga todobaada ee ciidanka Qaranka Somaliland'
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri 'dad ayaa jiray doonayay inuusan hubkani soo baxin laakiin majoorati shacabka iyo Odayaashu waxa ay doonayeen inuu hubkani soo baxo si loo qarameeyo waana dad aad uyar dadkaasina hawshoodii waa la dhameeyay oo hadda hal meel ayaa la isku raacay'
Isku soo wada duuboo waxaa maalinta barri ah lagu dhigayaa magaalada Yagoori xaflad lagu kala wareejinayo hubkan ayna kasoo qayb gali doonaan masuuliyiinta Somaliland iyo Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beesha Yagoori.
afnugaal.com
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article