somaliland.net
Somaliland oo sii deysay maxaabiis reer Puntland ah
Published: Mar 25 2008 - 15 10
Mar 25 2008 (Somaliland Net) - Magaalada Hargeysa, maanta waxaa lagu qabtay munaasabad rasmi ahaan lagu sii daayay maxaabiistii dagaalladii ku dhexmaray gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo Puntland dabayaaqadii sanadkii 2007 iyo horraantii sannakan 2008.
Maxaabiistaasi oo dhan 79 qof oo ay qabteen ciidanka Somaliland, ayaa waxaa dhawr maalmood ka hor cafiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo hadal uu ka jeediyay munaasabaddaasi u jeediyay maxaabiista la sii daayay gaar ahaan inta u dhalatay ayuu yiri somaliland inay iska illaawaan wixii hore oo walaaltinimada iyo nabadda la sii wado.
BBC-da ayaa munaasabaddaasi intii ay socotay waraysatay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamada ee lagu qabtay dagaalkaasi ee maanta la sii daayay, waxaana ka mid ahaa saddex korneyl oo la kala yiraahdo Deyr Cabdi iska-toos, Saciid Doob iyo Cali Jaamac, waxaana ay ka warameen sidii loola dhaqmay intii ay xirnaayeen.
bbc somali
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article