somaliland.net

Hubkii xooganaa ee yaalay Yagoori oo lagu wareejiyay ciidnak qaranka

Published: Mar 24 2008 - 11 14

Mar 24 2008 (Somaliland Net) - Warar aanu ka helnay ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka Somaliland ay beryahanba ku sugnaayeen Yagori , ujeedada ay halkaas u joogeen Saraakiishu ay ahayd sidii ay ula wareegi lahaayeen Hub culus oo nocyo kala duwan leh oo yaala Yagori, hubkaas oo ay gacanta ku hayeen Dariiqada Shiikh Maxamed Rabiic(Xerta) ee uu saldhigeedu yahay Yagoori iyo Beesha degta Yagori ee Jaamac Siyaad.

Saraakiisha ayaa Odayaasha waxgaradka reer Yagoori beryahanba ay ka wada hadlayeen sidii Hubkan ay uga wareejin lahaayeen Shacabka reer Yagori ayna u qaramayn lahaayeen,kulankan ayaa waxaa ka soo baxay,In Hubka lagu wareejiyo Ciidanka isla markaana la qarameeyo Hubka iyo Ciidanka gacantaku hayaba oo uu noqdo hub Ciidanka Qaranka ee Somaliland,In Hubkan lagu wareejiyo saldhiga Militeriga ee Oog.

Warar aanu ilo xogogaal ah aanu ka helnay ayaa waxay sheegayaan talaabada labaad ee ay qaadayaan Saraakiisha joogta Yagori ay Hubka yaala Gobolaka Buuhoodlena iyo wixii Ciidan ahba halkaas lagu qaramaynayo oo ay la wareegayaan Ciidanka Qaranku.
Arintan ayaa la xidhiidha hub ka dhigis ka socota Gobolada Maamulka Somaliland ay dhawaan la wareegeen, sidoo kale Maamulka Nabad gelyada ee Gobolka Sool ayaa dhawaan soo saaray qofkii,gurigiisa hub ku haysta la gu arko ay la wareegayaan Ciidanku cidii isku adkaysana lagu sharciga lala tiigsanaayo.

Hubkan hada lagala wareegay xarunta Xerta ayaa waxa uu ka koobanyhaya hub aad u culus oo leh tikniko faro badan iyo hubab waaweyn iyo kuwo yar yar iyo rasaas aad u xoogan, taasi oo xagaasi taalay tan iyo in mudo ah, oo ayna cidnina gacanta ku dhigin tan iyo intii uu baabay xukunkii dawladii Maxamed Siyaad Bare, hubkaasi ayaan waxba laga qaadin tan iyo xiligaasi iyada oo lagu soo biiriyo hub iyo saanadaha kala duwan ee malatariga, dadka hubkan hada wareejiyay ayaa sheegaaya in ay hubkaasi iyo ilaaladii haysayba ay ku wareejiyeen xukumada Somaliland isla markaasna ay iyagu qaadayaan masuuliyadeeda iyo amniga dalka oo dhan, arintan ayaa ku soo dhamaatay guul iyo is afgard kadib markii ay dhow maalmood socdeen wada hadalo mararka qaarkood lagu kala kacay oo aad u qadh qadhaadhaa, kuwaasi oo maanta si farxadleh ku dhamaaday.

qaran news

Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman

News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article