somaliland.net
Axmed Qaybe oo guriigisa qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah maxaabiistii la soo daayey.
Published: Mar 24 2008 - 11 03
Mar 24 2008 (Somaliland Net) - HARGEYSA- Axmed Aadan Qaybe oo ah siyaasi ruug cadaa ah ayaa guriigisa magaalada Hargeysa ku qaabilay qaar ka mid ah maxaabiistii laga soo daayey xabsiga Mandheera iyo weliba waftigii odayaasha reer Buuhoodle ee dhowaan halkaas gaadhay.
Mudane Qaybe ayaa qayb weyn ka qaatay soo daynta maxaabiistaas oo lagu qabtay dagaaladii dhex maray maamulada Puntland iyo Somaliland.
Maxaabiistaas oo ah 91 maxbuus ayaa waxa inta u dhalatay gobolada SSC waxay soo raaci doonaan waftiga odayaasha oo dhowaan soo ambabixi doona,meesha kuwa u dhashay gobolada Puntland lagu qaadi doono diyaarad geysn doonta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,halkaas oo lagu wareejin doono saraakiisha ciidamada maamulkaas.
afnugaal.com
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article
