somaliland.net
Cirro: "Rabitaanka shacabka ayaa na hagaya"
Published: Mar 24 2008 - 09 01
Mar 24 2008 (Somaliland Net) - Dadweynaha Somaliland ayaa dareen kala duwan ka bixiyay magacaabista Lix gobo oo cusub iyo 16 degmo oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Go'aankaasi ay maamulka Somaliland ku magacaabeen gobollada cusub ayaa qaar ka mid ah dadweynuhu ay saluugeen, halka qaar kalena ay soo dhaweeyeen.
Arrimahaasi ayaa waxaa weriyaha BBC-du ka wareystay Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland, Cabdullaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa sheegay in rabitaanka shacabka ay sababtay inay sameeyaan gobollo iyo degmooyin cusub.
Cabdullahi Isaaciil waxa uu beeniyay in sababta ay xilligan ugu soo aadiyeen magacaabista gobolada iyo degmooyinka cusub ay tahay in ay codad dhinaca doorashada uga helaan dadweynaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in arrintan ay ahayd mid muddo dheer ay ka shaqeynayeen, isla markaana ay hadda u suurto gashay in ay ku dhawaaqaan.
bbc somali
Posted by: Abdirisak suleman
Email: Abdirisak suleman
News Archives - Print News - Translate - Submit News - Email this Article
