Somaliland Net your gate way to Somaliland News and Information
Tuesday June 26th 2012

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku Dhawaaqay Inuu Xilka Iska Casili Doono Haddii Lagu Tunto Garsoorka Dalka

Haregeysa (Jam)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Xasan Axmed Aadan, ayaa daboolka ka qaaday inuu xilka iska casili doono, isla markaana faraha ka qaadi doono haddii garsoorka dalka lagu tunto ama farogelin lagu sameeyo, isagoo tilmaamay in hay’adaha garsoorku ka siman yihiin sidii caddaaladda loo hagaajin lahaa. Mr. Xasan Axmed Aadan oo waraysi xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku siiyey shalay suxufiyiin ka socday wargeyska Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Araweelonews.com, waxa uu sheegay in qareennada difaacayey Boqor Cismaan Buurmadow ku kaceen dembi xun oo khiyaamo ah, isla markaana ahayd in la xidho, kadib markii ay Khamiistii toddobaadkan sheegeen inay ka baxeen dacwadda boqorka, tallaabadaas oo xeer-ilaaliyuhu ku sifeeyey inay tahay masuuliyad-darro iyo gef laga galay caddaaladda.

Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu waraysigaas ku sheegay in garsoorka Somaliland haysto madaxbannaani buuxda, sidoo kalena dadka gacanta ku hayaa aanay ahayn kuwo lagu xaman karo qaar u nugul dhinaca xukuumadda, waxaannu xeer-ilaaliyuhu xusay in Boqor Buurmadow maxkamadda la horkeeni doono, lagana codsan doono inuu qabsado looyarro, inkastoo uu sheegay in arrimahaasi yihiin kuwo u yaal maxkamadda. Waraysiga Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo aad u dheer, isla markaana aannu ka soo qaadanayey qaybo uu kaga hadlayo dacwadda Boqor Buurmadaw, waxa sharcigu ka qabo qareennada kiisa boqorka kabaxay, qaababka lagu jabin karo ama lagu horjoogsan karo dacwad maxkamad ka socota, habkii loo maray xil-ka-qaadistii Maayirka Boorama ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa iyo waxa laga yeelayo haddii xildhibaannada golaha degaanku diidaan inay xasaanadda ka qaadaan iyo weliba qodobo kale oo aad u xiiso badan, waxa uu u dhacay sidan: Su’aal: Waxa jirta in qareennadii Boqor Buurmadow ka baxeen difaacidda kiiskiisa, kadib markay xeer-ilaalinta ku eedeeyeen inay amarradii maxkamadda u hoggaansami wayeen, sidoo kalena boqorku wuxuu sheegay inaannu maxkamadda ku soo noqon doonin in inta garsoor caddaalad ah la helayo.

Xeer-ilaalin ahaan idinkaa kiiskaas gacanta ku haya ee bal warbixin naga sii sida wax u dhaceen? Xeer-ilaayaha Guud: Dacwaddaas waa run oo waa la horkeenay markii labaad, dib-u-dhacuna wuxuu ka yimi dhinaca qareennada, sababtoo ah maxkamadda maalintii hore iyaga oo cuskanaya qodobka 105 ee Xeerka Habka Ciqaabta waxay ka keeneen is-hortaag dacwadda, qodobkaasina kuma jiro eedaynta aannu samaynay wax lagu horjoogsado oo is-hortaag ah, taasna garsooruhu wuxuu yidhi go’aan baan ka gaadhayaa maadaama is-hortaag la soo jeediyey, waxaannu u arkay inaanay la xidhiidhin arrintan oo aanay ahayn wax lagu horjoogsan karo, waayo qodob baa la cuskanayaa. Sababaha dacwad loo horjoogsan karo waxa ka mid ah; iyagoo yidhaa dacwadda horaa loo qaaday, is-hortaag baanay ku keeni kareen intaan lagu odhan dacwadda nuxurkeeda ma qabtaa iyo ma qabo kiiska intaannu odhan, sababtoo ah qofku waa qof waalan, waa ilmo yar. Xeer-ilaalintaa dacwaddan hore u xidhan, cafis baa laga sameeyey. Maxkamaddu maaha maxkamadii ikhtisaaska amma awoodda qaadista dacwaddan u lahayd; asbaabahaas baa dacwad loo horjoogsan karayaa iyagoo qodob cuskanaya. Eedaynta haddii laga hadlayo waxa iska leh qiimaynteeda garsooraha oo keliya.

Waa loo gudbiyaa, dhinacna wuu iska difacaa, maxkamadduna wax amar ah oo ay na siisay oo aannu diidnay ma jirto. Laba qodob baannu ku dacwoonnay oo kala ah 212 iyo 215 Xeerka Ciqaabta. 212 waxa uu sheegayaa muwaaddin dalka dibaddiisa kaga fidiya borobagaandho dhan ka ah qaranka isagoo doonaya inuu sharafta iyo karaamada ummadda wiiqo, isagoo ka been-sheegaya xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta. Qodobka kale 215 waa kicin la kiciyo dadka gudaha, iyadoo laga horkeenayo hay’adaha qaranka oo warar borobagandho ah oo been ah lagu kicinayo, laguna duminayo qaranka; ha noqoto xukuumadda amma hay’adaha kalee dastuuriga ah. Labada arrimoodba hadalladii uu ku hadlay, falalkii uu ku kacay, ayaannu nidhi sidaas iyo sidaasuu sameeyey, taariikhdaasna wuu ku kacay, qodobaddaasna waannu u cuskanay, caddayntuna waxay saaran tahay xafiiska Xeer-ilaalinta, waxana weeye inaad xagga qodobka ka doodo, soona bandhigto, xagga dhacdada inaannu soo bandhigno, labadaasna kiiska loo galaa, labadaas ayeynay qareennadu jebin kari lahaayeen marka dooda la galo inaanay qodobkan iyo waxaannu wadnaa is lahayn. Tusaale ahaan, haddaad ka hadlayso dil ood ninka ku dacwayso kufsi waa laba qodob oon isgalin.

Marka gudaha laga hadlayo nuxurkaa kala qaadmaya oo la odhanayaa waxaad ninka ku dacwaysay iyo waxani isma laha, dacwadda gudaheedaanay ku baaba’aysaa waxaad u socotaa. Waxa keliya ee qareenku jebiyaa waa marka gudaha dacwadda la galo, waxaanay noqon lahayd mid tiisa loo xukumo oo ninkii la sii daayo amma in taayada la raaco oo annaga naloo xukumo, caddaymihiina aannu soo bandhigno. Su’aal: Qareennadu dooddii ugu horreysay ee la galay waxay yidhaahdeen eedaha Boqor Cismaan loo jeediyey iyo dacwaddu isma waafaqsana, maxkamadduna waxay tidhi qaraar baannu ka soo saaraynaa. Qaraarkii ay soo saartay ee ahaa in xeer-ilaalintu eedaha iyo dacwadda isa soo waafajiso maxay xeer-ilaalintu u fulin wayday? Jawaab: Maxkamaddu qaraar ay soo saartay haddaannu fulin wayno garsooruhu mabuu oggolaadeen, manuu yidhaahdeen dacwaddu way soconaysaa, haddaannu diidnana annagay dacwadu naga jabi lahayd. Qaraar uu garsooruhu soo saaray ma jiro, waayo meel qaraar laga soo saaro oo qodobka 105 ee xeerka habka ciqaabta waafaqsani ma jirto, eedduna waa taayadii, eeddan beddelana waxa ka horreeya horta eedayada ha la jebiyo, garsooruhuna wuu ku qanacsan yahay intuu qaraar ka soo saaro aannu odhan karin sidaa, waayo dulucda maba khusayso, waana wax tirsan wax qodobkaas la cuskan karaa.

Dacwadda waa la galaa oo eedaysanahaa loo akhriyaa xaashida eedda oo la yidhaa dambigaas ma gashay, waxana u furan inuu bixiyo saddex jawaabood oo kala ah; ma qabo, waan qabaa iyo dood baan ka qabaa. Waa saddexdaas waxa kuu furan. Ma qabo hadduu yidhaa waxay noqonaysaa caddayn keena xeer-ilaalintaay.

Waan qabaa eedahaas hadduu yidhaahdana uma baahna dood, laakiin hadduu yidhaa dood baan ka qabaa waxa la waydiinayaa doodad aad ka qabtaa maxay tahay? Wuxuu qofku odhan karaa dacwaddan bari horaa la igu xukumay; waa ilmo yar oo maxkamadba lama saari karayo; ikhtisaaska maxkamaddaba maaha; dambigan horaa looga cafiyey oo waa lagu xukumay, markaa looyarrada boqorka difaacayaa arrimahaas ay tirinayaan kuma jirto oo dacwadba lama gelin. Su’aal: Qareennadaq difaacayey Boqor Cismaan waxay ku doodeen in xukuumaddu farogelin ku samaysay garsoorka, xeer-ilaalintuna u hoggaansami wayday awaamiirtii maxkamadda, arrintaas maxaad kaga jawaabaysaa? Jawaab: Garsoorkeenna waa la ogyahay oo cidda masuulka ka ah maaha cid lagu xamanayo xukuumad bay u nuglaadeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare qareennada ayuu ka soo baxay, saaxiibbadiina weeyaan labadaa nin ee iminka difaacaya boqorka. Anigu qareennadaan guddoomiye u ahaa oo iyagaan ka soo dhex baxay. Waxaannu ka simanahay in caddaaladda la hagaajiyo oo yaan garsoorka lagu tuman ama la farogeliyo, haddii garsoorka lagu tuntana anigu daaqaddaan ka baxayaa oo waan is-casilaaya. Waxaannu saxaynaa dhaqanno hore oo jiray. Xukuumaddu aniga way ila hadli kartaa oo eedda dacwadoodaan oogayaa, laakiin garsoorka uma tallowdo, garsoorkuna wuxuu u xisaabsan yahay oo uu ka cabsadaa Guddida Caddaaladda, guddidana toban nin baa jooga.

Haddii la doonayo in ninkaa laga qaado iyo in kale cidday u mari kartaa ma jirto, ragganna waa ragga iminka ugu roon ee loo soo saaray garsoorka dalka, ummadduna markhaati ka tahay, annaguna waannu ku dhawrnaa inay shaqadooda nadiif ku noqdaan. Culays ma saarno, laakiin caddaaladda annagu dhinac baannu nahoo waannu ilaashanaynaa. Waxa jira hay’ado badan oo iminka innaga caawiya xagga garsoorka sida UNDP, UNODC iyo hay’ado badan oo kale. Xukun cadli ah inuu dhaco ayaa mar walba la doonayaa. Wwaxaannu tababarrada u samaynayno, waxaannu ardayda jaamacadaha u keenayno waa in hurguri meesha ka baxo oo dad aqoon iyo xirfad leh yimaaddaan, garsoorkaannu hinjinayno ee sare u qaadaynaa waa kaas ee caddaaladda la doonaynaa. Qareennada boqorka u doodayey waxay ku kaceen dembi xun oo khiyaamo ah. Mid waa xildhibaan; ismabana galaan shaqadiisa iyo qareennimadu, xeerkana way ku caddahay, haddana wuxuu falkaas (ka bixidda difaacii Buurmadaw) kaga horkacayaa maxkamadda horteeda, waxaannu muujinayaa inaan garsoor caddaali ah Somaliland ka jirin, iyadoo uu ka jiro oo xukunba lama gaadhin.

Xukunka haddii lagu rido oonnu kaga garyeelano waxa u furan racfaan inay ka qaataan. Maxkamadda Sare ayey la tegi karaan, dib-u-eegis buu samaysan karaa. Bal inta xaaladood ee dad kala duwan iyo garsoor kala duwan galayaan eeg. Gartu maaha intaad bannaankaaga iska sii dhigato aad wax ku aasato, mararka qaarkood aqoon-darraaba jirta, is-hortaagga iminka lala soo boodayaana meeshaba kuma jiro. Dacwaddaada iyo eeddu isma waafaqsana waa wax cilmiyeysan oonnu u soo bandhigi doono niman aqoonyahanno ah cid alle ciddaad doontaan ka keena intaannu kulan ka qabano. Waxa xeer-ilaalinta hortaal caddeeya waxan aad boqorka ku eedayseen.

Gab-gab iyo waxan dadka lagu wareerinayo ee soke ahna waa in dadka caddaaladda laga leexiyo, waxaanay u leexiyeen kiiska (Buurmadow) arrin siyaasi ah, mana aha, waayo ninkan muwaaddinka ah dambiga waa lagu heli lahaa amma waa lagu waayi lahaa. Muwaaddiniinta kalee maalin walba la xukumayo ee dil iyo adduun iyo wax kale lagu xukumayo ayuun buu la mid yahay, nin sharciga ka sarreeyaana ma jiro. Si waafaqsan Xeerka Ciqaabta waxay ahayd in la xidho labada qareen, waayo waxay sameeyeen oo ay ku gefeen qodobadda 299 iyo 300, marka loo eego xeerka ciqaabteenna, waana caddaaladdii oo ay dayaceen, nimankana waa saraakiil dawladeed oo sidaan anigu sarkaal dawladeed u ahay ee masuuliyad ii saaran tahay ayey u yihiin saraakiil dawladeed oo masuuliyad u saaran tahay. Sida ku cad qodobka 240 Xeerka Ciqaabta qaybtiisa dambe, waxay ina tusaysaa in dadka danta guud ka shaqeeyaa yihiin xirfadyahanno anshax u baahan, caddaaladdana annagaa wada dhisna, qareennaduna intay si fudud qofka waqtiga ka lumiyeen oo intaasoo casho uu xidhnaa inuu maalintii u dambaysay halkaa kaga dhaqaaqo waa dembi cad oo uu ka galay ummadda, dambigana Boqor Cismaan oo qudha kamay gelin ee xataa caddaaladda ayey ka galeen. Ha oggolaado Buurmadow amma yaannu oggolaan inuu maxkamadda yimaad, danta caddaaladda ayaannu ilaalinaa.

Maalintii dhawayd ee telefishannada loo diidayey waxaan idhi waar laba ka mid ah ha yimaaddaan, waayo waxaannu haysanno ee meesha ku hayno ayaa og; ha soo galaan, ha eegaan inay dhinacyadii joogaan, in qareennadiisi joogaan, inaan eheladiisi meesha loo diidin, markaa waxa weeye nimankaas looyarrada ah cambaar xun oo dhabarka kaga taallay caddaaladda Somaliland bay la doonayaan.

Su’aal: Xeer-ilaaliye, haddii qareennadu arkeen siday ku doodayaan inaan garsoorku dhex ahayn, miyaanay iyagoo ilaalinaya sharaftooda, anshaxa iyo karaamadii qofka ay difacayaan xaq u lahayn inay yidhaahdaan ma difaaci karno oo arrintii waannu ka baxnay?

Jawaab: Qareennada adduunku waxay difaacaan qofka ay u doodayaan iyadoo cadaadis la saarayo, iyadoo isaga (eedaysana) la handidayo. Iminka may odhan annagaa nala handiday, iyadoo iyaga la xidhay amma la leeyahay haddaad kiiskaa gasho waannu ku xidhi doonana oo dawlado kaligood taliyayaal ah jiraan ayey qareennadu wax difacaan. Innagoo maanta dimuqraadiyad ku socona iyo nidaam dhexdhexaad ah, iyagoon maanta kaga cabanayn ciddaas amma xukuumadda waxaa noola timi may ahayn inay kiiska ka baxaan, iyadoo dil socdo oo loo hanjabayo ayey jaraa’idka iyo qareennadu u shaqaynayaan danta guud ee caamka.

Su’aal: Is-casilaadda qareennada Boqorku waxay ku soo beegantay xilli uu Wasiirka Madaxtooyadu yidhi; wuxuu ku eedaysan yahay dambiile qaran, xukunna markaa muu dhicin, waxana isku beegan jawaabta wasiirka iyo ka bixista qareennada, dadkuna arrintaa aad bay wax isaga waydiiyeen, markaa miyaan la odhan karin horebaa loo soo xukumay, qofse eedaysane ah masuul qaran siduu u odhan karaa waa dambiile?

Jawaab: Xukuumad baa hadashay oo wasiirku ka mid yahay oo horta annaga nama hortaal. Annagu caddaaladdii baannu nahay. Kolley hadal shacbi ah ha isaga hadlo, illeyn ninku maaha nin sharciyaqaane siduu doonuu u hadlayaa, waxana weeye dambiile waa gaar, lamana odhan karo waa dembiile ilaa qofka la xukumo, balse wasiirku wuxuu u jeedaa ninkani dembi buu naga galay, taasina waa eedayn oo kama dhigna wax la xukumay oo maxkamad xukuntay.

Su’aal: Qareennadu waxay sheegeen inay kiiska ka baxeen, ninka eedaysanaha ahna wuxuu sheegay inaannu maxkamadda ku soo noqon doonin ilaa uu helayo garsoor caddaali ah. Arrintan markaad dhinac ka eegto sawirkii garsoorka laga haystay dhaawac ma u geysanaysaa, qaabkeese loo geli karaa, maadaama qareennadii ka baxeen, isna yidhi ma imanayo?

Jawaab: Ninka marka dembi lagu eedaynayo wuu iska galgalanayaa; amma dhinac siyaasadeed ha u dhigo amma dhinac kale ha u dhigo, garsoorkeenuna maalin uu ka fiican yahay oo lagaga aamin-baxo ma jirto, go’aanka maxkamadduna isagoo sidaa u hadlay ayuu ku dhici karaa, markaa ma caddaalad-darraa? Waayo waxa la keenay caddaymo; amma wuu ku barraxmi karaa oo bilaa dembi buu noqon karaa, mana odhanayno wuu ku barraxmayaa oo annagu dhinacii eedaynayey baannu nahay. Caddaynta iyo dacwaddu haddaanay noo dhisnayn mabanaan hornimaadneen maxkamadda.

Markan uu leeyahay maxkamadda ma imanayo waxa laga yeelayo waxay u taal Maxkamadda oo in maxkamadda la horkeeno oo caddaaladda la mariyaa waa khasab. Wuxuu isagu odhan karayo maaha, waana in la horkeenaa maxkamadda. Boqor Cismaan waxan leenahay qareen qabso, hadduu qabsan waayo waa loo qabanayaa, inkastoo kiiskiisu aannu ahayn mid qareen loo qabto, sababta oo ah dastuurku xaaladda uu sheegayaa in qareen loo qabto xaaladaha ay qasabka tahay waa xaalad gaar ah, xaaladahaasna kuma jiro, hadduu qabsan waayana waa loo qabanayaa.

Legal Clinic baa jooga, ururro kalaa jooga, dawladdaa u qaban karta oo dakhligeeda caddaaladda la odhan karaa bixiya. Hadday maxkamaddu go’aamiso qareen la’aan iyadaa xidhi karta.

Su’aal: Marka dacwadda Boqor Buurmadow laga yimaad, waxa jira dacwado kale oo idinka iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranku iska kaashateen oo ay u dambaysay Maayirkii Boorama, laakiin Wasaaradda Arrimaha Guduhu tidhi waxa iska kaashaday Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hantidhawrka Guud oo waraaq u qaaday, yidhina xasaanadda ka qaada, arrintaasina waxay ka soo horjeeddaa xeerka dawladaha hoose ee dalka, waxaanay ahayd inay golaha degaanku iyagu si gaar ah xasaanadda uga qaadaan, walina arrintaas laguma guulaysay oo maayirkii wuu shaqaynayaa, bal arrimaha musuqmaasuqa ee xafiiskiina soo mara warbixin naga sii?

Jawaab: Arrimaha musuqmaasuqa Xeer-ilaalinta, Hantidhawrka iyo Hay’adda La-dagaalanka Musuqmaausaqa iyo hay’ado badan oo kale ayaa ka wada shaqeeya. Ilaa baadhitaanka CID-da ayaa soo gasha markaannu u baahanno. Kiisaska Boorama way jiraan, kuwo kale oo badanna way jiraan.

Kiiskaas la xidhiidha maayirka Boorama Xeer-ilaaliyahayaga Gobolka Awdal iyo Hantidhawraha Guud ayey ka dhacday. Runtii nidaam ahaan waa la dhaliilay, aniguna dalka waan ka maqnaa, marka la doonayo in la eedeeyanaya waa in Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku go’aan ka gaadho; ma la eedeeyaa, mise lama eedeeyo?

Kadibna u gudbiyaa Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga oo aannu nidhaa Badhasaabkuna goob-joog ka ha noqdo sidii aannu Gabileyba samaynay (xil-ka-qaadistii maayirkii hore ee Gabiley), xil-wareejintana xukuumadda dhexe waa halkay ku leedahaye ka soo qaybgashaa. Markaa nidaamkaasi lama marin oo waxa jiray dhaawacyo, taasna waa la joojiyey, ninkaasina (maayirka xilkiisa lagu muransan yahay ee Boorama) xil ma hayo, kiiskiisanna waa nala horkeenay, xil uu hayaana ma jirto ha ku magacawnaadee oo kiis baa ku socda, rag kalena way xidhan yihiin, tanna wali may dhammaan, dacwaddiisana waa la kala saaraya oo guddi ka socda xeer-ilaalinta ayaan u saaray in dacwaddiisa iyo waxa loo haystaa sax tahay. Haddii dacwaddaasi noqoto mid lugo ku taagan waa la dhaqaajinaya, haddii kalena waa la iska dayn.

Su’aal: Haddii xildhibaannadu diidaan inay xasaanadda ka qadaan oo yidhaahdaan waa maayirkayagii, sharci ahaan qaabkee loo marayaa?

Jawaab: Nidaamka sharci ayaa loo marayaa. Waxay qawadaan uunbay ku xidhan tahay, hore ayaanay uga qaadeen xasaanadda, iminkana nidaamkaa la saxayaa, kiiskuna markuu soo dhammaystirmo nidaamka sharciga ayuu marayaa. La soco cadadka berri qaybo xiiso badan ka mid ah waraysigaas oo Xeer-ilaaliyaha Guud kaga hadlayo dareennada shakiga leh ee dadweynuhu ka qabaan xafiiska xeer-ilaalinta, awoodaha shaqo ee ay kala leeyihii Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, sida xafiiska xeer-ilaalintu ugu dhiirrado in qof dhan oo nool ay yidhaahdaan dil halagu xukumo iyo doorka Somaliland ee la-dagaalanka budhcad-badeedda……

Leave a Reply