somaliland.net
Home | Search Options | Place an Ad | Modify an Ad | New Ads
Top : Condolences Tacsi
Condolences Tacsi
Title: |
Tacsi, Cismaan Aadan Axmed |
Posted: |
21-Aug-2009 |
Telephone: |
none |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
Inaa lilaahi wa inaa lilaaahu raajicuun.!! Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee magaalada Seattle iyo Jaaliyada Vancouver, BC waxay tacsi u dirayaan reerkii uu ka baxay Cismaan Aadan Axmed . Samir Iyo iimaan baan leenahay dhamaantiin Ilaahay ha inaga siiyo. Waxa u yimi xaq , idilkeen ina wada sugaya. Cismaan waxa uu in badan ku noolaa magalaada Vancouver, Kanada. Waxaanu ka mid ahaa asaasayaashii iyo odayaasha Jaaliyada Somaliland ee BC. Waxa u ahaa nin aad iyo aad furfuran una saaxiibo badan oo Somalida oo dhami jeclaayeen. Nin af gaaban ,maslaxad jecel, gubaabo badan,kaftan badan, dadkana aan ka qaloon jirin yar iyo weyn. Waxaa u ahaa deeqsi haduu deeqsi jiro addunyada maanta. Todabaadkan guduhiisa ayuu ku dhintay Cismaan Aadan Hosbitaalka magaalada Hargaysa. Waxaa u ka tegay Lix caruur ah iyo Hooyadood. Ilaahay ha u naxariisto naxariistana janana haka waraabiyo. |
Title: |
Tacsi:Ahmed Mohamed Jama ( Ina Ilkacase) |
Posted: |
16-Oct-2008 |
Telephone: |
none |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
Waxa aanu halkan tacsi uga diraynaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alla ha u naxariistee Ahmed Mohamed Jama ( Ina Ilkacase) oo ku geeriyooday caasimada labaad ee dalka Sweden, marxuumkaasi waxa uu ka mid ahaa dadkii reer Somaliland ee ugu soo horeeyey dalka Sweden waxana uu dalka Sweden soo degay sannadkii 1979kii Run ahaantii waxa uu ahaa shaqsiyada edeb, akhlaaq iyo waxtarnimoba eebbe ku manaystay waxa uu ka mid ahaa odayaasha samataliska ah ee ku nool dalkan Sweden, waxana uu qayb weyn kasoo qaatay halgankii loogu jiray dib u xoraynta Somaliland iyo dib u dhiskii dalka halganka ka dib.
Marxuumku waxa uu ifka kaga tegay xaasikiisii Marwo Maryan Haji Dualeh iyo saddex caruur ah oo kala ah Rahma Ahmed, Salan ahmed iyo Fosia Ahmed oo dhamaantood degan Göteborg. Waxa aanu Alle uga baryaynaa in marxuumkaas oo lagu aasayo berito oo jimce ah(16/10-2008) haddii Alle qadaro, magaalada Göteborg uu naxariistiisa janno fardowsa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo axsaabtisiisana samir iyo iimaan ka siiyo inagana inooga daba naxariisto. Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare) Aidarus sheikh Adan Zekaria Hassan Waes Ibarahim Farah Jama Said Haji Adan Jibril Abdikarim Ali Jama ( Alxamdu) Ali Mohamed Hassan Osman ali Jama ( Malow) Ahmed Mohamed Ali Mohamed Rashid Sheikh Aadan Mohamed Dubad Nuh Haji Ali shire Abdi Musse Abdisalan Beyle Said Kapten Mohamed Sheikh Dr. Mohamed Cadaani Ahmed Magan Sheikh Ibarhim Ismail Haji Ibrahim Ishal Cismaan Abshir Mohamed Ibrahim Hassan Saleebaan Abdirahman Said Mohamed Abdillahi ( abukoodh) Ibrahim Ali Adan ( Ibrahim coofaadh) Mahamoud Haji Adan Faisa Ismail Rooda Ali Mohamed Mustafe Wadadyare Safiya Ali Mohamed Ahmed Wadadyare Abdirashid Wadadyare Mohamed Haji Adan Hani Said Liban Amal Said Haji Aadan Ibarahim Haji Adan Fosia Haji Aadan Yassin Hussein Mohamed Lul Hussein Mohamed Mohamed Haji Ismail Bahnaan Haji Aadan Dr. Abby Yussuf Leyla Jama Ahmed Nadia Haji Mohamed Sirad Iyo dhamaan dadka reer Somaliland ee ku nool dalka Sweden |
Title: |
Tacsi: Xildhibaan Yussuf Moxamed Cali (Tuke) |
Posted: |
12-Nov-2008 |
Telephone: |
none |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Rajacuun
Waxay dadkan hoos ku qorani iyaga ooka xumn tacsi u dirayaan qoyskii ehelkii iyo asxaabitii uu ka baxay Allah naxariistiisii janno ha ka waraabiyee xildhibaan Yussuf Moxamed Cali (Tuke) oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jiida War 'idaad ee Gobolka Sanaag maalintii Salaasadii ee bisha Nofember ahayd 11ka. Waxay Ilaahay uga baryayaan inuu dhammaantood samir iyo iimaan ka siiyo. Tacisdaa waxa dirayaa Mohmaed Cismaan Fadal iyo xaasikksa Moxamed Cabdi Dheere iyo Xaasikiisa Dhammaan reer Yusuf X. Adan iyo Dhammaan reer Cisman Fadal. Dadkaasoo kala jooga Hargeisa, London, Oslo, Virginia (USA), Holland, Australia, Toronto, Ottawa, Nairobi, iyo Shariqa Ammana Allah |
Title: |
Tacsi: Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke |
Posted: |
12-Nov-2008 |
Telephone: |
none |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
Tacsi tiiraanyo badan, Geerida Naxdin leh ee ku timid: Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke, oo shil baabuur maanta ku geeriyooday (11.11.2008)
Aniga ku hadlaan dhamaan xubnaha iyo tageerashaa Kulmiye Norway iyo jaalida Somaliland ee ku Nool wadanka Norway Waxaanu Tacsi u diraan, dhamaan ehelkii, qaraabadi, asxaabtii iyo inta ifka ku taqaanay Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke oo maanta shil baabuur ku geeriyooday. Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke, waxaan ILLAAHAY uga baryanaa Janno fardawsa iyo danbi dhaaf, amiin . Dhamaanteenba samir iyo imaan. Tacsi ka timid Sulub Warsame Roble Dahir Ali Maxamud Jama Maryan M. Ali Hussein Hassan Guled Hassan M. Ali |
Title: |
Tacsi: Marxuuma Hooyo khadiija fadal |
Posted: |
21-Nov-2005 |
Telephone: |
206 555 5555 |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan walaaladay
ilma cali fidhin una tacsiyadeenayaa hooyo khadiija fadal
Ilaahay ha u naxariistoo danbigeedana
ha dhaafo Aamiin innagana samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo. |
Title: |
cabdilaahi ducale |
Posted: |
9-Aug-2006 |
Telephone: |
07861184053 |
Web Site: |
|
Contact: |
|
Description: |
anigoo ah axmed yusuf yaasin oo joogaa dalkan england waxaan tacsi u dirayaa cabdilaahi ducale warfaa, oo ku geeriyoodey magaalada yiroowe somaliland, waxaan leeyahey ilaahey haw naxariisto, samir iyo iimaan dadkii iyo ehelkii uu ka geeriyoodeyna ha ka siiyo |
Next 6
Enjoy the Somaliland Net free email. There are no restrictions creating multiple accounts. Sign now.
Somalilandnet news group